• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wadahadallada DF iyo Golaha Mustaqbalka oo galay maalintii labaad, Maxaa ka cusub?

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wadahadallada DF iyo Golaha Mustaqbalka oo galay maalintii labaad, Maxaa ka cusub?
Share

Wararka24: Waxaa maalintii labaad galay wada hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka socda gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Kulamadan oo ku bilowday jawi deggan ayaa waxaa la sheegay inuu door dhexdhexaadin ah ku leeyahay Mareykanka, iyadoo dhinacyada ay ka wada hadlayaan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Dhinaca dowladda waxaa shirka uga qayb-galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamud, iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, halka Golaha Mustaqbalka ay metelayaan Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wararka ayaa sheegaya in maanta la guda geli doono doodaha ugu xasaasisan ee la xiriira wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo saldhig u ah khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Mucaaradka oo taageero ka helaya maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay soo bandhigaan aragtidooda ku aaddan nooca doorasho ee dalka ka dhici karta, halka Villa Somalia ay ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Labada dhinac ayaa xalay yeeshay kulamo gaar gaar ah oo ay la-tashiyo kula sameeyeen dhinacyada ay metalaan, si loo sii ambaqaado wada hadallada loona gaaro xal siyaasadeed oo laga wada heshiiyo.

Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in shirka uu ka socdo xarun dowladeed oo ku dhex-taalla Xalane, isagoo mucaaradka ku eedeeyay inaysan lahayn ajende cad.

“Shirka madaxda dalka iyo kooxda mucaaradku xafiis dowladdu leedahay ayuu ka dhacayaa,” ayuu yiri wasiirka oo qoraal soo saaray.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto gudaha Xalane, iyadoo beesha caalamka ay dadaal ugu jirto in xal looga gaaro muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka Soomaaliya.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.