Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Kumaandooska Danab oo soo badbaadiyey 9 qof oo u afduubnaa Al-Shabaab+sawiro

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Kumaandooska Danab ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu soo badbaadiyay dad rayid ah oo ay afduub u haysteen Al-Shabaab.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 14, 2026, 12:46 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Kumaandooska Danab oo soo badbaadiyey 9 qof oo u afduubnaa Al-Shabaab+sawiro
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Kumaandooska Danab ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degmada Gamboole ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu soo badbaadiyay dad rayid ah oo ay afduub u haysteen Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo furtay sagaal qof oo shacab ah, kuwaas oo kooxda ay hore u qafaasheen.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in intii uu socday howlgalka ay ciidamada dileen shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, oo uu ku jiray horjooge kooxda hoggaaminayay.

“Ciidamada ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda ugu soo celiyaan sagaal qof oo ay afduub u haysteen argagixisadu, iyagoo sidoo kale dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga laguma sheegin sababta dadka rayidka ah loo afduubtay iyo muddada ay kooxda gacanta ku haysay.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonaya howlgallada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka jireen dagaallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Dowladda Federaalka ayaa mar kale ku celisay inay sii wadeyso howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka iyo badbaadinta shacabka ay dhibaateeyaan kooxaha hubeysan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka go’an tahay dardargelinta howlgalada lagu ciribtirayo haraadiga kooxaha argagixisada, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.

war-saxaafadeedka


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.