• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Soomaali kudhibban dalka Liibiya iyadoo Safaaradda Soomaaliya ay dayacday

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Soomaali kudhibban dalka Liibiya iyadoo Safaaradda Soomaaliya ay dayacday
Share

Wararka24: Warar kasoo baxaya magaalada Tripoli ee dalka Libya ayaa sheegaya in xaalad adag ay wajahayaan Soomaalida tahriibka ku joogta halkaasi, kadib markii la sheegay in kooxo magafayaal ah ay bilaabeen afduubyada lagu hayo muhaajiriinta.

Qaar kamid ah Soomaalida ku sugan Tripoli ayaa sheegay in boqolaal qof la la’yahay meel ay ku dambeeyeen, iyadoo la tuhunsan yahay in qaarkood ay gacanta u galeen kooxo magafayaal ah, halka kuwo kalena ay qabteen laamaha ammaanka ee dalkaasi. Arrintan ayaa cabsi iyo jahwareer ku abuurtay bulshada Soomaalida ee halkaasi ku nool.

Muuse Axmed oo kamid ah Soomaalida ku nool Tripoli ayaa sheegay in dadka qaar lagu qaaday gaadiid aan la aqoonsan, kuwaas oo aan u muuqan kuwa ay leeyihiin ciidamada ammaanka. Wuxuu tilmaamay in xaaladdu ay kasii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Waxaa sidoo kale la muujiyay cabasho ku saabsan kaalinta safaaradda Soomaaliya ee Liibiya. Dadka deegaanka qaarkood ayaa sheegay in aanay helin taageero iyo jawaab ku filan oo uga timaadda safaaradda, xilli ay wajahayaan xaalado amni iyo nololeed oo adag.

Soomaalida ku sugan Liibiya ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aad ugu nugul afduubyo, xarig iyo tacaddiyo kale, maadaama badankood aysan haysan dukumentiyo rasmi ah. Qoysas badan ayaa sidoo kale la kulma cadaadis la xiriira lacago madax furasho ah oo laga dalbado.

Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marin ay isticmaalaan muhaajiriinta ka imaanaya dalalka Afrika ee doonaya inay u gudbaan Yurub. Dalkaasi waxaa ka jira kooxo hubeysan iyo shabakado ka ganacsada dadka, kuwaas oo inta badan bartilmaameedsada tahriibayaasha.

Xaaladda cusub ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo badqabka Soomaalida ku xayiran gudaha Liibiya, iyadoo ehellada iyo qoysaskooda ay dalbanayaan in loo fidiyo gargaar iyo taageero degdeg ah.

DAAWO


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.