• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo qeyb-galay caleemo saarka Madaxweynaha Uganda+sawiro

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo qeyb-galay caleemo saarka Madaxweynaha Uganda+sawiro
Share

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu uga qeyb-galayo munaasabadda caleemo saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kulan muhiim ah la yeeshay Yoweri Museveni, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan. Labada dhinac ayaa sidoo kale diiradda saaray sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga istaraatiijiga ah ee gobolka.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Uganda ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo taageero dhinacyo badan leh. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada shaqeynta labada dowladood, gaar ahaan xilligan ay gobolka ka jiraan caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Uganda doorka ay ku leeyihiin taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Wuxuu si gaar ah u xusay ciidamada Uganda ee qeybta ka ahaa howlgalada nabad ilaalinta iyo taageerada dib u dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamada ugu badan ku leh howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo muddo dheer taageero militari iyo mid amni siisay dowladda federaalka. Xiriirka labada dal ayaa sanadihii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo ay jireen kulamo iyo heshiisyo kala duwan oo dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha la xiriira.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladaha gobolka geeska Afrika dadaal ugu jiraan xoojinta iskaashiga amniga iyo xasilinta gobolka. Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxda kasoo qeyb galeysa munaasabadda Kampala ay yeeshaan kulamo gaar ah oo ku saabsan arrimaha gobolka.


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.