Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dibadbax ay mucaaradka Soomaaliya maanta ka dhigeen magaalada Muqdisho, kaas oo wararku sheegayaan inuu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Dibadbaxa ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah caasimadda, gaar ahaan degmada Dayniile, halkaas oo ay isku uruureen dad taageersan mucaaradka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in rasaas lagu furay dadkii ka qeyb-galayay isu soo baxa, taas oo dhalisay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay geerida hal qof, halka tiro kale oo dhaawac ah la sheegay in isbitaallo loo qaaday.
Xassan Cali Khayre oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay khasaaraha dhacay, isaga oo sheegay in hal qof uu ku dhintay dibadbaxa, dad kalena ay ku dhaawacmeen. Wuxuu tacsi u diray qoysaska dadka ay waxyeelladu gaartay, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo badqabka shacabka.
Khayre ayaa ciidamada dowladda ku eedeeyay inay xoog u adeegsadeen dad uu ku tilmaamay bannaanbaxayaal nabadeed. Waxa uu sheegay in rasaastaasi ay saameysay dad rayid ah, isla markaana ay goobta joogeen xubno siyaasiyiin iyo xildhibaano ah.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Faa’iso Jayte ay ka mid ahayd dadka goobta ku sugnaa xilligii rabshaddu dhacaysay, iyadoo wararku tilmaamayaan inay ka badbaadday rasaasta dhacday. Dhacdadan ayaa sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda.
Mucaaradka Soomaaliya ayaa weli ku adkeysanaya dalabkooda ku aaddan in la helo hannaan doorasho oo lagu heshiis yahay,Xassan Sheekh Maxamud aya si rasmi ah uga hadlay dorashada Konfur Galbeed iyo dibadbaxa manta ka dhacay dalka. Xaaladda Muqdisho ayaa weli kacsan iyadoo la sugayo sida ay wax u socdaan.
DAAWO














