• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasiir ku-xigeen Al-Cadaala oo Baydhabo ku tilmaamay albaabka dimuqraadiyadda+sawiro

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wasiir ku-xigeen Al-Cadaala oo Baydhabo ku tilmaamay albaabka dimuqraadiyadda+sawiro
Share

Wararka24: Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar, ayaa magaalada Baydhabo ku tilmaamay meel ay ka muuqato iftiinka dimuqraadiyadda, isaga oo sheegay in diyar garaw siyaasadeed oo xooggan uu ka socdo deegaannada Konfur Galbeed.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in Baydhabo ay haatan ku sugan yihiin musharrixiin, ururro siyaasadeed iyo taageerayaal kala duwan oo ka kala yimid gobollada dalka, kuwaas oo si xor ah uga qayb qaadanaya ololaha doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Wuxuu xusay in magaalada ay ka socdaan shirar, abaabul iyo kulamo siyaasadeed oo nabad ah, taas oo uu ku tilmaamay tusaale muujinaya horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka. Sida uu sheegay, dhinacyada tartamaya waxay dareemayaan rajo, cadaalad iyo xorriyad siyaasadeed.

Al-Cadaala ayaa tilmaamay in xaaladda Baydhabo ay muujinayso nooca doorasho ee dowladda federaalka ay muddo dheer ballanqaadaysay, isaga oo sheegay inay meesha ka baxayso cabsi iyo kala shakigii siyaasadeed ee jiray.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in tartanka siyaasadeed ee socda uu fursad siinayo siyaasiyiinta doonaya inay awooddooda iyo kartidooda ku muujiyaan doorasho xor ah, si ay uga qayb qaataan hoggaanka dalka iyo maamulka deegaannadooda.

Wuxuu intaas ku daray in dhacdooyinka ka socda Baydhabo ay fariin dhiirrigelin ah u dirayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa doonaya inay dib u helaan xuquuqdooda siyaasadeed iyo awoodda ay ku dooranayaan hoggaankooda.

Hadalka Al-Cadaala ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Baydhabo ay martigelineyso qabanqaabada ugu dambeysa ee doorashada maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda halkaasi.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.