• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Aamino Eelaay oo ka hadashay doorashada Koonfur Galbeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Aamino Eelaay oo ka hadashay doorashada Koonfur Galbeed
Share

Wararka24:Xildhibaan Aamino Eelaay oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa shaacisay xog ku saabsan doorashada Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, xilli magaalada Baydhabo ay ka socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada.

Aamino Eelaay oo ku sugnayd garoonka Shaati Gaduud ayaa ka qeyb gashay soo dhaweynta wafdi uu hoggaaminayay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo kamid ah musharrixiinta ugu cad cad ee xilka hoggaanka maamulkaasi.

Waxay sheegtay in guud ahaan diyaar garowga doorashada uu ku socdo jawi deggan, iyadoo tilmaantay in musharrixiintu ay si caadi ah u wataan ololahooda siyaasadeed. Sidoo kale waxay xustay in Aadan Madoobe uu yahay siyaasi khibrad leh oo door ka qaadan kara mideynta bulshada Koonfur Galbeed.

“Maanta waa maalin weyn, guddoomiyihii baarlamaanka ayaan soo dhaweyneynaa, waana musharrax madaxweyne, waxaanan aaminsanahay inuu yahay qof isku keeni kara bulshada,” ayay tiri Aamino Eelaay.

Waxay sidoo kale ugu baaqday shacabka reer Baydhabo inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida, iyadoo ku adkaysay muhiimadda ay leedahay wadajirka bulshada xilligan kala guurka ah.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadeysa xilli uu xilka ka degay madaxweynihii hore Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kadib isbeddello siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ilo siyaasadeed ayaa tilmaamaya in Villa Somalia ay si dhow ula socoto geeddi-socodka doorashada, iyadoo dadaal xooggan ku bixineysa qaabeynta hoggaanka cusub ee maamulkaasi.

Si kastaba, xaaladda Baydhabo ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo la sugayo sida ay u dhacdo doorashada iyo cidda hoggaamin doonta Koonfur Galbeed mustaqbalka dhow.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.