• About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, August 24, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kulan Afur ah la Qaatay Culimada Soomaaliyeed + SAWIRO

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh Maxamuud
Share

Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Kulanka Culimada Villa somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan culimada Soomaaliyeed.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu qabtay afur rasmi ah oo lagu martiqaaday culimada, si ay ugala hadlaan doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan xasillinta iyo horumarinta dalka.

War rasmi ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu culimada la wadaagay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isku xirnaanta culimada, shacabka, iyo dowladda, taasoo laf-dhabar u ah qaranimada Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyay kaalintooda muhiimka ah ee wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta, iyo xasillinta dalka. Wuxuu si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaalanka Khawaarijta iyo afkaarta xagjirnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culimada ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku bixinayso nabadda iyo xoreynta dalka.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu culimada ka dhageystay talooyin wax ku ool ah oo la xiriira xoojinta dowladnimada, la dagaalanka been abuurka argagixisada ee la xiriira diinta, iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Diinta & Awqaafta, Mukhtaar Roobow Cali, oo ka mid ah mas’uuliyiintii goobta joogay.

Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud

Share
Tags: Madax weynaha Xasan SheekhVilla somaliawararka mantawararka somalia
Previous Post

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

Next Post

Faahfaahin: Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay sameynayeen, Deegaanka Laba Garas

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Xamse Cabdi Oo manta u Safray Shiinaha, Maxa Cusub?

Xamse Cabdi Oo manta u Safray Shiinaha, Maxa Cusub?

by Yasmin Jamal
August 24, 2025

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan dalka Shiinaha, safar lagu sheegay inuu qayb ka...

Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Wasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda...

Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Dr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo...

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

by Abdirahman Dahir
August 23, 2025

Marwo Amran Axmed Xasan ayaa maanta loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Waqooyi-bari. Doorashadeeda ayaa noqotay...

Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay

Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Waxaa markale cirka isku shareeray hadal-haynta siyaasadda Soomaaliya, kadib markii Wasiirka Difaaca, Axmed Macallim Fiqi, uu weerar afka...

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi

by Yasmin Jamal
August 23, 2025

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa si adag uga falceliyey hadalkii uu Wasiirka Arrimaha...

Next Post
Al-Shabaab

Faahfaahin: Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay sameynayeen, Deegaanka Laba Garas

Degdeg

DEGDEG: Shabaab oo afar jiho kasoo weeray AFGOOYE?

Hotel Qaahira Beledweyne 2

Wararka24: Hotel Qaahira Al-Shabaab Oo Weli ka dhex dagaalamaya + faahfaahin dherad ah

Recommended

hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe

Gobolada Dhexe Waxaa dib u bilowday Hawlgalkii Weynaa ka dhanka khawarijinta Malinti 2aad..

6 months ago
maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga

DF oo rajo xumo kamujisay Maxaabiista ku xiran xabsiyada sacuudiga, qaarkood ay wajahayaan xukun dil ah?

6 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 month ago
NISA

Sarkaal Katirsanaa NISA oo Fahad udhawa & khubaro cadaan ah, oo Qorshe Culus kawada Somaliland + Fahfahin?

4 months ago
Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud

MD Xasan Sheekh Qof naga maqan oo lasugayo malahan, Anigana Waa I Kanaa!

5 months ago
Taliyaha Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqasho ku jooga Talyaaniga

1 month ago
Cabdiweli Gaas

Puntland iyo maamulka cusub: Gaas oo baaq muhiim ah soo saaray

3 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.