• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse oo Kulan Afur ah la Qaatay Culimada Soomaaliyeed + SAWIRO

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 years ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh Maxamuud
Share

Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Kulanka Culimada Villa somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa magaalada Muqdisho kula kulmay xubno ka tirsan culimada Soomaaliyeed.

Kulankan oo ka dhacay Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu qabtay afur rasmi ah oo lagu martiqaaday culimada, si ay ugala hadlaan doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan xasillinta iyo horumarinta dalka.

War rasmi ah oo ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu culimada la wadaagay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo isku xirnaanta culimada, shacabka, iyo dowladda, taasoo laf-dhabar u ah qaranimada Soomaaliya.

“Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyay kaalintooda muhiimka ah ee wacyigelinta bulshada, dib-u-heshiisiinta, iyo xasillinta dalka. Wuxuu si gaar ah u xusay doorkooda ku aaddan baraarujinta bulshada ee la dagaalanka Khawaarijta iyo afkaarta xagjirnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culimada ku dhiirrigeliyay in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyagoo garab istaagaya dadaallada dowladdu ay ku bixinayso nabadda iyo xoreynta dalka.

Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu culimada ka dhageystay talooyin wax ku ool ah oo la xiriira xoojinta dowladnimada, la dagaalanka been abuurka argagixisada ee la xiriira diinta, iyo horumarinta danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Diinta & Awqaafta, Mukhtaar Roobow Cali, oo ka mid ah mas’uuliyiintii goobta joogay.

Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud
Xasan Sheekh Maxamuud

Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.