• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Shirkado Mareykan ah oo ku soo birayo shidaal baarista Soomaaliya

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Shirkado Mareykan ah oo ku soo birayo shidaal baarista Soomaaliya
Share

Wararka24: Shirkadda Soma Oil and Gas Ltd. ayaa wada dadaallo cusub oo ay ku raadineyso shirkado Mareykan ah oo ay iskaashi la sameyso, xilli xiisaha caalamiga ah ee shidaalka badda Soomaaliya uu mar kale dib u soo laabtay.

Soma Oil and Gas ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay qayb ka mid ah saamigeeda hawlgalka ku wareejiso shirkado leh awood dhaqaale iyo farsamo, si loo dardargeliyo sahminta shidaalka ee xeebaha Soomaaliya. Qorshahan ayaa loo yaqaan “farm-out”, oo ah hannaan shirkadaha shidaalka ay ku wadaagaan khataraha iyo maalgelinta.

Shirkaddu waxay sheegtay inay gacanta ku hayso blocks-ka 129, 130 iyo 192 ee badda Soomaaliya, kuwaas oo daboolaya dhul-badeed ballaaran oo lagu qiyaasay in uu ka badan yahay 10,000 km², laguna tuhunsan yahay kayd shidaal oo weyn.

Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dib u howlgelisay qorshaheedii shidaalka kadib tobanaan sano oo colaado iyo xasillooni darro ay hakad geliyeen sahminta kheyraadka dabiiciga ah.

Sidoo kale, Turkey ayaa dhawaan bilowday qodistii ugu horreysay ee shidaalka oo ka baxsan dalkeeda, kadib markii markabka Cagri Bey uu gaaray xeebaha Muqdisho bishii April 2026.

Khubarada ayaa sheegaya in Soomaaliya ay leedahay fursad weyn oo dhaqaale haddii shidaal ganacsi la helo, balse ay weli jiraan caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin amniga, sharciyada iyo hufnaanta heshiisyada lala galayo shirkadaha shisheeye.

Magaca Soma Oil and Gas ayaa hore muran u galay kadib baaritaan uu sameeyay Serious Fraud Office sanadkii 2015, inkastoo baaritaankaas la xiray 2016 iyadoo aan wax dacwad ah lagu soo oogin.

Tallaabadan cusub ayaa muujineysa in tartanka loogu jiro shidaalka Soomaaliya uu sii xoogeysanayo, iyadoo shirkado badan oo caalami ah ay dib u eegayaan fursadaha ka jira xeebaha dalka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.