• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xarigga dhalinyaro iyo wariyeyaal la sheegay inay ka horyimaadeen qorshaha dowladda ee la xiriira hanaanka doorashooyinka dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in xarigyada isdaba joogga ah ee lagu hayo dhalinyarada iyo dadka uu ku tilmaamay haldoorka bulshada ay dhaawacayaan dowladnimada, isla markaana sii kordhinayaan caro iyo kacdoon bulsho oo ka dhan ah dowladda.

Wuxuu tilmaamay in tallaabooyinka noocan ah ay muujinayaan caburin siyaasadeed oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida guud ee dalka, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Farmaajo ayaa si gaar ah farriin ugu diray hay’adaha amniga, isagoo ugu baaqay inay ilaaliyaan shacabka, kana fogaadaan fal kasta oo cabsi gelin kara bulshada ama horseedi kara barakac iyo kalsooni darro.

Wuxuu xusay in ciidamada qalabka sida loo aasaasay difaaca shacabka, sugidda amniga iyo dhowrista karaamada muwaadiniinta, islamarkaana aan loo adeegsan karin dano siyaasadeed ama dano gaar ah oo cid gaar ah ay leedahay.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in muddooyinkii dambe uu marar badan ka digay tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo dhaawacaya sumcadda dowladnimada iyo kalsoonida shacabka, kuwaas oo uu sheegay inay salka ku hayaan dhul boob, caburin iyo ku tagrifal awood.

Hadalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya xilli mucaaradka Soomaaliya ay isku diyaarinayaan dibadbax ballaaran oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho berito, kaas oo lagu muujinayo diidmada qorshayaasha dowladda iyo xaaladaha la xiriira barakicinta shacabka.

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii kordheysa, iyadoo wali ay taagan tahay doodda ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo sharciyadda hay’adaha dowladda.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.