• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho
Share

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray dibadbaxa ay qorsheynayaan inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho, iyagoo faahfaahin ka bixiyay waqtiga iyo ujeeddada isu soo baxaasi.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dibadbaxu si rasmi ah u bilaaban doono 7:00 subaxnimo, isaga oo shacabka ugu baaqay inay si buuxda uga qeyb qaataan.

Khayre ayaa sheegay in dibadbaxan uu yahay mid lagu raadinayo xuquuq siyaasadeed iyo mid bulsho, isagoo tilmaamay in shacabka looga baahan yahay inay si nabad ah u muujiyaan aragtidooda.

Wuxuu sidoo kale ka digay in waxyeello loo geysto dadka kasoo qeyb galaya isu soo baxa, isaga oo xusay in haddii rabshado ama dhibaato dhacaan ay mas’uuliyadda dusha ka saaran tahay dowladda federaalka.

Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay ciidamada ammaanka in aan loo adeegsan dano siyaasadeed, isla markaana aysan dhibaateyn shacabka, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee lagu wado inay qeyb ka noqdaan dibadbaxa.

Mucaaradka ayaa ku adkeystay in dibadbaxoodu yahay mid nabadeed oo dastuurku oggol yahay, islamarkaana uusan ahayn mid lagu hurinayo qalalaase ama amni darro.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay si cad uga digtay isku soo baxa, iyadoo sheegtay in aan la oggolaan doonin wax kasta oo carqalad ku keeni kara amniga caasimadda.

Xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa sii xoogeysaneysa iyadoo dibadbaxan uu kusoo beegmayo xilli ay socdaan dadaallo lagu doonayo wadahadal u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, si xal looga gaaro muranka doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

DAAWO


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.