• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Somaliland iyo Israa’iil oo shir ku yeeshay Addis Ababa+sawiro

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Somaliland iyo Israa’iil oo shir ku yeeshay Addis Ababa+sawiro
Share

Wararka24: Wafdi ka kala socotay Somaliland iyo ganacsato Israa’iili ah ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ganacsi iyo maalgashi ee labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, halka dhinaca Israa’iil ay ka qeybgaleen wakiillo ganacsi iyo diblomaasiyiin la sheegay inay matalayeen danaha ganacsi ee dalkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa lagu sheegay in wada-hadallada ay xoogga saareen fursadaha cusub ee iskaashiga dhaqaale, maalgashi iyo horumarinta xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa iskaashiga beeraha, tamarta, tiknoolajiyadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada maaliyadda iyo caafimaadka, kuwaas oo loo arko inay yihiin qeybaha ugu muhiimsan ee maalgashi laga sameyn karo.

Wafdiga Somaliland waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiin sare oo ka socday Bangiga Dhexe, hay’adaha caymiska iyo ganacsatada gudaha, kuwaas oo ka shaqeynaya sidii loo soo jiidan lahaa maalgelin dibadeed.

Ganacsatada Somaliland ee shirka ka qeyb galay ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Ganacsiga Somaliland, Jamaal Aydiid Ibraahim, oo door muuqda ku lahaa wada-hadallada la xiriira horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga.

Kulankan ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada Somaliland ay ku dooneyso inay ballaariso xiriirrada dhaqaale ee caalamiga ah, isla markaana ay kusoo jiidato shirkado iyo maalgeliyeyaal shisheeye.

Wararka ayaa sheegaya in kulamadan ay horseedi karaan heshiisyo cusub oo ganacsi iyo maalgashi, inkastoo aan weli la shaacin heshiis rasmi ah oo labada dhinac kala saxiixdeen.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.