• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda oo qorsheyneysa dhismaha 10 kun oo guri oo loogu talagalay barakacayaasha

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda oo qorsheyneysa dhismaha 10 kun oo guri oo loogu talagalay barakacayaasha
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay waddo qorshe cusub oo lagu dhisayo 10 kun oo guri oo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah, xilli dood xooggan ay ka taagan tahay dib u soo celinta dhulalka danta guud ee magaalada Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Cabdirisaaq Maxamed Cumar, ayaa sheegay in dowladda ay billowday dib u habeyn iyo ka faa’iideysi dhulal muddo dheer ka maqnaa gacanta dowladda. Wuxuu tilmaamay in qaar ka mid ah dhulkaasi loo sharciyeeyay dad rayid ah si ay u isticmaalaan.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in dhulal kale dib loogu celiyay wasaarado iyo hay’ado dowladeed oo horey u lahaa, si dib loogu soo nooleeyo adeegyada bulshada iyo howlaha maamulka. Wuxuu xusay in tallaabadaasi qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo dib loogu nidaaminayo hantida qaranka.

Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay hadda qorsheyneyso dhismaha kumannaan guri oo si gaar ah loogu talagalay qoysaska barakacayaasha ah, si xal loogu helo dhibaatooyinka hoy la’aanta. Sida uu sheegay, mashruucan ayaa muhiim u noqon kara qoysaska ku noolaa xeryaha barakaca.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli xiisad ka taagan tahay dhulalka danta guud ee Muqdisho, iyadoo dadka qaar laga raray goobo ay muddo deganaayeen. Dadkaasi ayaa cabasho ka muujiyay inaysan haysan deegaan kale oo ay u guuraan.

Xiisaddaasi ayaa mararka qaar isu beddeshay iska hor imaadyo hubeysan, waxaana dhacdooyinkii ugu dambeeyay laga soo sheegay degmada Dayniile, halkaas oo ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad deegaanka ah ay isku dhaceen kadib muran la xiriira barakicin ah.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.