• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Kheyre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay weerarka Dayniile

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Kheyre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay weerarka Dayniile
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Hassan Cali Kheyre ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, isagoo ku accusay in ciidamo dowladeed loo adeegsaday howlgal ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa sheegay in ciidamada la geeyay Dayniile ay qeyb ka yihiin qorshe lagu burburinayo goobo ay deggenaayeen dad shacab ah, taas oo uu ku tilmaamay barakicin iyo ku takrifal awood dowladeed. Wuxuu qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladda ay shacabka ku beegsaneyso awood ciidan, halkii ay ka ilaalin lahayd.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ciidamada ammaanka uga digay inay ku lug yeeshaan waxa uu ku sheegay falal ka dhan ah shacabka iyo hantidooda, isagoo ugu baaqay inay dhowraan waajibaadkooda qaran iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Axmed ayaa isna cambaareeyay dhacdada ka taagan Dayniile, isagoo ku tilmaamay arrin culus oo u baahan isla xisaabtan iyo in si degdeg ah loo joojiyo tallaabooyinka keenaya xiisadda.

Wararka laga helayo degmada Dayniile ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay qorshe dowladda ay ku doonayso inay ku burburiso goobo loo asteeyay dan guud, halka dadka deegaanka qaarkood ay ka biyo diideen inay ka guuraan.

Iska hor imaadyo ka dhacay deegaankaas saacadihii la soo dhaafay ayaa sababay khasaare kala duwan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tirada waxyeellada ka dhalatay.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.