• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Mustaqbalka oo shuruudo ku xiray gogosha Xasan Sheekh

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Golaha Mustaqbalka oo shuruudo ku xiray gogosha Xasan Sheekh
Share

Wararka24: Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin ka qeyb-galka gogosha wada-hadalka ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, balse ku xiray shuruudo ay sheegeen inay muhiim u yihiin hirgelinta wadahadal dhab ah.

Bayaan kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in mucaaradku soo dhoweynayaan casuumaadda kulanka siyaasadeed ee la qorsheeyay 10-ka May 2026, hase yeeshee ay qabaan walaac ku saabsan jawiga siyaasadeed ee ka jira dalka iyo tallaabooyinka ay dowladda waddo.

Goluhu wuxuu ku eedeeyay dowladda inay weli sii waddo waxa ay ku tilmaameen doorashooyin hal dhinac ah, isla markaana ay jiraan xarigyo iyo barakicin ay sheegeen inay dhaawac ku yihiin jawiga wadahadalka iyo is-afgaradka siyaasadeed.

Mucaaradka ayaa sheegay in wadahadal dhab ah uu suurta geli karo oo keliya haddii madaxweynuhu joojiyo dhammaan tallaabooyinka doorasho ee ay ku tilmaameen kuwo aan heshiis siyaasadeed ku dhisneyn, si loo abuuro jawi lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa dalbaday in la helo hannaan dhex-dhexaadin madax-bannaan oo ay isku raacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda, si loo xaqiijiyo in wada-hadalladu noqdaan kuwo daah-furan oo miro-dhal ah.

Goluhu wuxuu ku adkeystay in heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka dalka la gaaro kahor 15-ka May 2026, oo ay ku sheegayaan inay ku egtahay muddada xilka madaxweynaha. Waxay sidoo kale ka digeen in haddii aan heshiis la gaarin ay qaadi doonaan tallaabooyin kale oo ay ku sheegeen kuwo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalka.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.