• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Booliska Waqooyi Bari oo soo afjaray shabakad tahriibin ah

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Booliska Waqooyi Bari oo soo afjaray shabakad tahriibin ah
Share

Wararka24: Ciidanka Booliska Waqooyi Bari, gaar ahaan qeybta gobolka Sool ayaa howlgal qorsheysan ku soo qabtay eedeysane lagu magacaabo Farxaan Farax Shaciye, kaas oo lagu eedeeyay inuu hormuud u ahaa falal la xiriira tahriibinta dhalinyarada iyo khiyaano lacageed.

Howlgalka oo ay boolisku kaashadeen shacabka deegaanka ayaa lagu sheegay mid lagu burburiyay shabakad si sharci darro ah dadka ugu tahriibin jirtay dibadda, gaar ahaan waddada halista badan ee loo maro dalka Libya.

Sida ay sheegeen laamaha ammaanka, ninkan ayaa fududeyn jiray tahriibinta dhalinyaro ka kala imaneysay magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle, isagoo adeegsan jiray muuqaallo been abuur ah oo lagu muujinayo dhalinyaro lagu dhibaateynayo xeebaha Libya, gaar ahaan magaalada Benghazi.

Booliska ayaa sheegay in muuqaalladaasi loo adeegsan jiray cabsi gelinta waalidiinta, si looga qaado lacago lagu sheegay madax furasho ama badbaadin, halka baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan in muuqaallada qaarkood lagu duubi jiray gudaha dalka.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale soo celiyay qaar ka mid ah dhalinyaradii uu eedeysanuhu tahriibinayay, iyagoo soo bandhigay caddeymo lacageed oo la xiriira lacagihii laga qaaday dhalinyaradaas, kuwaas oo loo marsiin jiray adeegyada lacag-dirista.

Eedeysanaha ayaa haatan ku jira gacanta booliska, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah si sharciga loo horgeeyo, iyadoo laamaha ammaanku sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalada lagu burburinayo shabakadaha tahriibinta dhalinyarada.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.