• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinaya iskaashiga tiknoolajiyadda macluumaadka(ICT) iyo gaadiidka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinaya iskaashiga tiknoolajiyadda macluumaadka(ICT) iyo gaadiidka
Share

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Muscat kulan kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Macluumaadka ee dalka Oman, Said bin Hamoud Al Maawali.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda macluumaadka, si loo horumariyo isku xirnaanta iyo kobcinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay taageeridda isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo la dardargelinayo qorshayaasha la xiriira horumarinta adeegyada casriga ah iyo kobcinta xiriirka ganacsi ee gobolka.

Wasiirradu waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo fududeynta ka qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado dhaqaale iyo iskaashi farsamo oo waxtar leh.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Soomaaliya ku dooneyso inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee kala dhexeeya dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa Khaliijka oo door muhiim ah ka ciyaara maalgashiga iyo ganacsiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inay hirgeliso qorsheyaal lagu horumarinayo kaabeyaasha gaadiidka, isgaarsiinta iyo adeegyada tiknoolajiyadda, si dalka loogu beddelo xarun ganacsi iyo isku xirnaan heer gobol ah.

Kulankan Muscat ayaa la filayaa inuu horseedo heshiisyo iyo wada-shaqeyn cusub oo kor u qaadi kara horumarka dhaqaale iyo dhijitaalka ee Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.