Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa si kulul u dhaliilay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, xilli uu ka hadlayay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Hadalkan ayuu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay sanad guurada 66aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku eedeeyay hoggaanka Jubbaland inay wadaan siyaasad khatar gelin karta midnimada dalka. Wuxuu sheegay in ay jiraan hadallo uu ku tilmaamay kuwo u muuqda hanjabaad ku wajahan jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale dhaliilay habka doorasho ee ka dhacay Kismaayo, isagoo sheegay in aanay jirin doorasho si buuxda loo wada oggol yahay. Wuxuu tilmaamay in arrintan ay abuuri karto khilaaf siyaasadeed oo sii fogaada.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa farriin u diray Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ugu baaqay inay difaacaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in waajibaadka ugu weyn ee ciidamada uu yahay ilaalinta qarannimada.
Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa soo jiitamayay muddo, iyadoo ay hore u fashilmeen wada hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo arrimaha taagan. Labada dhinac ayaa weli isku mari la’ mowqifyada siyaasadeed.
Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Somalia iyo Jubbaland, taas oo saameyn ku yeelan karta geeddi socodka siyaasadda dalka.


















