Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Jibriil oo Baydhabo ka shaaciyay qorshe amni iyo dib u heshiisiin

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, isagoo shaaciyay qorshihiisa ku aaddan hoggaanka maamulka iyo xasilinta deegaannada.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 3, 2026, 10:35 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Jibriil oo Baydhabo ka shaaciyay qorshe amni iyo dib u heshiisiin
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, isagoo shaaciyay qorshihiisa ku aaddan hoggaanka maamulka iyo xasilinta deegaannada.

Jibriil ayaa sheegay in mudnaantiisa koowaad ay tahay sugidda amniga, gaar ahaan Baydhabo, isagoo xusay in amniga uu saldhig u yahay horumarka iyo dib u dhiska maamulka.

Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in uusan jiri doonin beegsi gaar ah, isla markaana la sameyn doono dib u heshiisiin dhab ah oo lagu xallinayo khilaafaadka ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.

“Dib u heshiisiin dhab ah ayaan ka sameyn doonnaa deegaannada maamulka, mana jiri doonto cid si gaar ah loo beegsado,” ayuu yiri Jibriil.

Hoggaamiyaha KMG ah ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono dhammaan qeybaha bulshada, oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo culimada, si loo helo maamul loo dhan yahay.

Sidoo kale, wuxuu faray shaqaalaha hay’adaha maamulka inay sii wadaan adeegyada bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyay in isbeddelka hoggaanka uusan saameyn ku yeelan doonin howlaha socda.

Jibriil ayaa intaas ku daray in maamulka uu diiradda saari doono horumarinta adeegyada aas-aasiga ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Koonfur Galbeed.

Magacaabistiisa ayaa timid kadib isbeddello siyaasadeed oo ka dhacay Baydhabo, waxaana si adag uga horyimid Golaha Mustaqbalka oo ku baaqay in la qabto doorasho loo dhan yahay.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.