• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Saddex diyaaradood oo sida ciidamo iyo hub oo gaaray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Saddex diyaaradood oo sida ciidamo iyo hub oo gaaray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay
Share

Wararka24: Saddex diyaaradood oo sida ciidamo iyo hub ayaa gaaray degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, iyadoo ay sii kordhayaan dhaq dhaqaaqyada militari ee ka socda Koonfur Galbeed.

Ilo amni ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay wadeen ciidamo kala duwan oo isugu jira kuwa Macawiisley ah, ciidamo la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed iyo xubno ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay in laga kala qaaday magaalooyinka Muqdisho, Xudur iyo Waajid, kuwaas oo haatan lagu uruuriyay gudaha degmada Buurhakaba.

Wararka ayaa tilmaamaya in magaalada Buurhakaba uu ka socdo abaabul xooggan iyo isku dubarid ciidan, iyadoo la qorsheynayo dhaq dhaqaaqyo la xiriira magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin la safan ayaa doonaya inay ka hortagaan qorshaha doorasho ee ka socda Baydhabo, kaas oo uu wado madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in aysan aqoonsaneyn sharciyadda Lafta-gareen, iyadoo si toos ah ula shaqeyneysa maamulada degmooyinka Koonfur Galbeed.

Xaaladda ayaa sii kacsan, waxaana jira walaac ku aaddan in dhaq dhaqaaqyada militari ay horseedi karaan iska hor imaad cusub.

DAAWA


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.