• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DFS oo War Kasoo Saartay Xaaladda Koonfur Galbeed, Baaqna Dirtay

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
DFS oo War Kasoo Saartay Xaaladda Koonfur Galbeed, Baaqna Dirtay
Share

Wararka24: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo muujisay walaac ku saabsan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka jira qaar ka mid ah deegaannadaas.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu bogaadiyay doorka shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed ee ilaalinta midnimada dalka iyo dowladnimada, iyo ka qeybqaadashadooda hannaanka dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.

Sidoo kale, DFS ayaa sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn xasillooni darrada jirta, isla markaana ay ka shaqeynayso in la joojiyo colaadaha lana xalliyo khilaafaadka jira iyada oo loo marayo wadahadal.

Wasaaradda ayaa sidoo kale cambaareysay go’aan ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu sheegay in la hakiyay wadashaqeyntii kala dhaxaysay DFS, iyadoo caddeysay in hay’adaha dowladda federaalka ay weli gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan adeegga shacabka ku nool deegaannadaas.

Ugu dambeyn, DFS ayaa ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed inay sii wadaan ka qeybqaadashada geeddi-socodka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyadoo sidoo kale ugu baaqday bulshada iyo siyaasiyiinta deegaanka inay ka feejignaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo xasilloonida shacabka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.