• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Maamulka Koonfur Galbeed oo Beeniyay Dagaal Xalay ka Dhacay Baydhabo

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Maamulka Koonfur Galbeed oo Beeniyay Dagaal Xalay ka Dhacay Baydhabo
Share

Wararka24: Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo sheegaya in xalay dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo.

Wasiirka ayaa sheegay in xaaladda Baydhabo ay deggan tahay, isla markaana nolol maalmeedka magaalada uu si caadi ah u socdo, inkastoo warar kale ay sheegayaan in hoobiye lagu tuuray mid ka mid ah saldhigyada ciidanka maamulka, kaddibna ciidamadu ay rasaas ku jawaabeen. “Baydhabo rasaas kama dhicin.

Aniga laftaydu bartamaha magaalada ayaan joogaa,” ayuu yiri wasiirku, isagoo si cad u diiday wararka sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidanka amniga.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay kooxo ku sugan magaalada Muqdisho inay faafinayaan warar uu ku tilmaamay “been iyo dacaayad,” isaga oo sheegay in ujeedadu tahay in la abuuro cabsi iyo jahawareer.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu caddeeyay in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu ku sugan yahay magaalada barakeysan ee Makka, halkaas oo uu ku gudanayo cibaadada Cumrada, isla markaana xiriirka u dhexeeya dowlad-goboleedka iyo dowladda federaalka uu caadi yahay.

Si kastaba ha ahaatee, warar kale ayaa sheegaya in xiisad u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ay soo kordhayso, iyada oo khilaafyo soo noqnoqday ay weli ka dhex taagan yihiin labada dhinac.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.