Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Dalal Carbeed oo Trump ka dalbaday wadahadal lagu joojiyo dagaalka Iiraan

Dalal dhowr ah oo Carbeed ayaa maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka codsaday in la furo wadahadallo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan, balse Aqalka Cad ayaa la sheegay inuu diiday dadaalladaas.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 15, 2026, 10:54 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Dalal Carbeed oo Trump ka dalbaday wadahadal lagu joojiyo dagaalka Iiraan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dalal dhowr ah oo Carbeed ayaa maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka codsaday in la furo wadahadallo diblomaasiyadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan, balse Aqalka Cad ayaa la sheegay inuu diiday dadaalladaas.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, dowladaha gobolka qaarkood ayaa isku dayay inay dhexdhexaadiyaan colaadda, hase yeeshee maamulka Washington ayaa diiradda saaraya sii wadista hawlgallada militari.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan xukuumadda Iiraan ayaa sheegay in Tehran aysan aqbali doonin wax xabad-joojin ah inta ay socdaan duqeymaha lagu beegsanayo gudaha dalkaas.

Dagaalka oo galay toddobaadkii saddexaad ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, wuxuuna sidoo kale si weyn u saameeyay suuqyada tamarta ee caalamka, gaar ahaan kadib markii marinka muhiimka ah ee Hormuz uu wajahayo xannibaad iyo weeraro.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Mareykanka uu duqeymo la beegsaday Jasiiradda Kharg, oo ah goobta ugu weyn ee Iiraan ay ka dhoofiso saliidda, halka hoggaanka cusub ee Tehran uu ku hanjabay in marinka Hormuz uu sii xirnaan doono.

Qaar ka mid ah dalalka gobolka, oo ay ku jiraan Cumaan iyo Masar, ayaa hore u isku dayay inay dib u bilaabaan wada-hadallo lagu dejinayo xiisadda, balse ilaa hadda wax horumar ah lama sheegin.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

3 hours ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

3 hours ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

3 hours ago
Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

3 hours ago
QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

9 hours ago
Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

10 hours ago
Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

10 hours ago
Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

11 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.