• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti oo soo saartay digniin amni

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti oo soo saartay digniin amni
Share

Wararka24: 12-02-2026 Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa Talaadadii soo saartay digniin amni oo ku socota muwaadiniinteeda, iyadoo ku boorisay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah xilli ay sii kordhayaan xiisadaha milateri ee gobolka.

Bayaan kasoo baxay safaaradda ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Jabuuti lagu amray inay sii wadaan ka fogaanshaha agagaarka safaaradda iyo xerada milateri ee Camp Lemonnier, sababo la xiriira hanjabaado iyo xaalado amni oo sii kordhaya.

Safaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in la hakiyay dhammaan ballamihii caadiga ahaa ee qunsuliyadda, isla markaana la dhimay tirada shaqaalaha ka howlgala xarunta, inkasta oo ay weli sii soconayaan adeegyada degdegga ah ee qunsuliyadda.

Digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay amniga guud ee gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Dalka Jabuuti oo ku yaalla meel istaraatiiji ah oo isku xirta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa martigeliya saldhigga milateri ee Camp Lemonnier, kaas oo ah xarunta ugu weyn ee hawlgallada ciidamada Mareykanka ee Taliska Afrika (AFRICOM) ee ka socda gobolka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.