Wararka24: 10-02-2026 Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa shaaciyay in dekeddu si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha iyo Badda (IAPH), oo ah hay’ad caalami ah oo xarunteedu tahay magaalada Tokyo ee dalka Japan.
Mas’uuliyiinta dekedda ayaa sheegay in xubinnimadan ay siin doonto Dekedda Muqdisho fursad ay ku xoojiso iskaashiga dekedaha caalamiga ah, isla markaana ay kor ugu qaaddo aqoonta iyo heerarka hawlgalka iyadoo la raacayo hababka caalamiga ah.
Agaasimaha Dekedda Muqdisho Maxamed Cali Nuur (Ameerika) ayaa sheegay in dekeddu ay sanadihii u dambeeyay sameysay horumar muuqda oo dhinaca hawlgallada iyo kaabeyaasha ah.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xusay in ku biirista ururkan ay gacan ka geysan doonto xoojinta qaybta badda ee Soomaaliya, isla markaana ay kordhin doonto doorka dekedda ee ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.
Ururka Caalamiga ah ee Dekedaha iyo Badda (IAPH) ayaa la aasaasay sanadkii 1959, waxaana ku mideysan in ka badan 190 dekedood oo ka kala socda 89 dal oo dunida ah.


















