Wararka24, Dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista ayaa mowjado weyn ka kicisay gudaha Israel, iyadoo shacabka dib u soo celiyay cadaadiskii ay xukuumadda ku saarayeen inay heshiis wax ku ool ah la gasho Xamaas.

Ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay hakineyso sii deynta maxaabiista, sababo ku aaddan in Israel ay ku xadgudubtay heshiiska xabad joojinta, waxaa xalay gudaha Israel ka bilowday mudaaharaadyo ay shacabka ku dhalleeceynayaan dowladooda.
Shacabka Israel ayaa maanta dibadbaxyadooda ka sii wada Magaalada Jerusalem (Qudus), iyagoo xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ka dalbanaya inaanay wax xadgudub ah ku samayn heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga.

Dibadbaxayaal aan badneyn ayaa xiray waddada isku xirto Magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, si dowladda ay u taageerto heshiiska xabad joojinta, iyadoo aanu jirin wax carqaladeyn ah.
Dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista ayaa sabab u noqotay in dibadbaxayaasha ay si kulul Dowladda Netanyahu ugu eedeeyaan inaysan dhab ka ahayn xaqiijinta iyo hirgelinta heshiiska.
Dadweyne fara-badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore Xafiiska Raysal Wasaare Netanyahu ee galbeedka Jerusalem, iyagoo dalbanaya in maxbuus kasta hoygiisa lagu soo celiyo.
Dibadbaxayaasha ayaa garaacaya durbaano, waxayna wataan sawirrada maxaabiista qaarkood iyo boorar ay ku qoran yihiin ‘hala soo celiyo’. Qaarkood ayaa gacmahooda soo marsaday rinji cas, si ay ugu muujiyaan maxaabiista dhimatay iyadoo la soo badbaadin karay iyo in kuwa weli nool ay noloshooda ku xiran tahay dowladda hadda jirta.
Shacabka ayaa isugu soo baxay bannaanka Xafiiska Raysal Wasaaraha, halkaas oo ay ku shirsan yihiin Golaha Wasiirada ee Amniga Israel. Warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in goluhu uu ka arrinsanayo jawaabta ay tahay in laga bixiyo dib u dhigista Xamaas ee sii deynta maxaabiista.
Ka hor kulanka, Raysal Wasaare Netanyahu ayaa hay’adaha ammaanka kala hadlay qiimeyntooda ku saabsan arrintan. Qoysaska, ehelada iyo saaxiibada maxaabiista ayaa Netanyahu iyo kooxdiisa ku eedeeyay inay isku dayayaan in gebi ahaanba heshiiska la wiiqo, si meesha looga saaro xabad joojinta iyo isweydaarsiga maxaabiista labada dhinac.
Qoysaska ayaa xabad joojinta u arka rajada keliya ee ay ka qabaan inay dib ula midoobaan xubnaha ka maqan, waxa ayna riixayaan in Xamaas lala galo heshiis horseedaya in maxaabiis badan la soo sii daayo.
Netanyahu ayaa dhammaadkii isbuuca diray farriin uu ku sheegayo xaqiiqadii inaanan loo baahneyn in laga gudbo marxaladda koowaad ee heshiiska.
Xamaas ayaa horey ugu eedeysay Netanyahu in uu abuurayo caqabad ka dhan ah saddexdii weji ee lagu heshiiyay, si loogu soo afjaro colaadda Gaza.
Dagaalka Gaza ayaa gudaha Israel ka abuuray kala qaybsanaan aan horey loo arag, tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel.
Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan ilaalinta maraakiibta ganacsiga…
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, iyadoo mas’uuliyadda amniga saldhigga degmada…
Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 14 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la soo gabagabeeyay diyaar-garowga goobta iyo…


















