• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xisbiga Himilo Qaran oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu Baaqay Doorasho Lagu Heshiiyo

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xisbiga Himilo Qaran oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu Baaqay Doorasho Lagu Heshiiyo
Share

Wararka24: 7-02-2026 Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuusan aqoonsaneyn go’aanka Baarlamaanka ee wax ka beddelka dastuurka dalka, isaga oo sheegay in habraaca loo maray uusan waafaqsaneyn sharciga.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka uu ku imaan karo oo kaliya hannaan sharci ah oo ay ka qayb qaataan dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu diiradda saaro qabashada doorasho lagu heshiiyo si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan ku timaadda mustaqbalka dowladnimada dalka.

Baaqa xisbiga ayaa kusoo aadaya kadib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen wax ka beddelka cutubyada muhiimka ah ee dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in dastuurka cusub uu dhigayo in muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay noqoto shan sano, taas oo ka dhigan in Madaxweynaha xilka sii hayn doono ilaa bisha May 2027.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa diidmo ka muujiyay dhaqan gelinta dastuurka cusub, iyagoo sheegay in geeddi-socodka ansixintiisa lagu muransan yahay.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.