• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Dagaalka Iran, Mareykanka iyo Israa’iil; Tehran oo Diiday Wadahadal kadhan ah trump

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dagaalka Iran, Mareykanka iyo Israa’iil; Tehran oo Diiday Wadahadal kadhan ah trump
Share

Wararka24: 3-02-2026 Mas’uul sare oo ka tirsan Iiraan, Cali Lariijaani, ayaa sheegay in dalkiisu uusan wax wada-hadal ah la geli doonin Mareykanka, xilli dagaalka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil uu sii xoogeysanayo.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku eedeeyay Madaxweyne Donald Trump inuu gobolka geliyay qalalaase, isaga oo sheegay in Iiraan ay is-difaacayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Caraqchi, ayaa isna sheegay in wada-hadallada nukliyeerka ay miro dhalayaan oo keliya haddii Mareykanku ka laabto waxa uu ku tilmaamay dalabyo adag. Wuxuu xusay in guusha wada-xaajoodyadu ku xirnaan doonto daacadnimo iyo in laga fogaado shuruudo ad-adag.

Duqeymo culus ayaa laga soo sheegay gudaha Iiraan, iyadoo mas’uuliyiin halkaas ku sugan ay sheegeen in boqolaal qof ay ku dhinteen tan iyo markii ay bilaabmeen weerarro wadajir ah oo Mareykanka iyo Israa’iil ay fuliyeen.

Mareykanka ayaa sheegay inuu beegsaday xarumo militari oo ay ku jiraan saldhigyo gantaallo iyo xarumo badeed.

Dagaalka ayaa ku fiday dalal kale oo gobolka ah. Iiraan ayaa gantaallo ku weerartay Israa’iil iyo saldhigyo ku yaalla dalal Carbeed, iyadoo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac la soo wariyay.

Dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka, Baxrayn iyo Kuwayt ayaa sheegay in weerarro lagu beegsaday goobo ku yaalla dhulkooda.

Dhanka kale, kooxo hubeysan oo taageersan Iiraan oo ka kala jira Ciraaq iyo Lubnaan ayaa iyaguna ku lug yeeshay colaadda, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo in dagaalku isu beddelo mid gobolka oo dhan ku fida.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.