• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Sarkaal Sare oo Al-Shabaab ah kuna eedeysnaa Weerarro ka dhaca Muqdisho oo la dilay

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Sarkaal Sare oo Al-Shabaab ah kuna eedeysnaa Weerarro ka dhaca Muqdisho oo la dilay
Share

Wararka24: 3-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo lagu tuhunsanaa inuu ka dambeeyay weerarro dhowr ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho sanadkii 2025.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ninka la dilay uu watay magacyo kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen Kamaludin Yoonis Maxamed, Salim Nur Sheekh Cabdiraxiin, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali.

Sida lagu sheegay warka, sarkaalkan ayaa lagu eedeeyay inuu door ku lahaa qorsheynta iyo hagidda weerarro lagu qaaday xarumo amni iyo goobo tababar.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay sarkaalkan uu ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamo ka tirsan Uganda oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Hay’addu waxay xustay in dabagalka ninkan uu socday in ka badan shan bilood, isla markaana uu ku dhuumanayay deegaanno ay dad rayid ahi ku noolaayeen.

Dowladdu waxay sheegtay in inta howlgalka socday si gaar ah loo ilaalinayay badbaadada shacabka, isla markaana lagu beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd gobolka.

NISA ayaa ku adkeysatay in dagaalka ka dhanka ah kooxda uu sii socon doono ilaa laga xaqiijiyo amni iyo xasillooni waarta, iyadoo shacabka loogu baaqay inay laamaha ammaanka la wadaagaan macluumaad kasta oo la xiriira dhaqdhaqaaqyada kooxda.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.