• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Shirkii u dhexeeyay Xasan iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo furmay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuso dhaweeyey Madaxtooyada Qaranka
Share

Wararka25: 22-02-2026 Waxaa maanta mar kale Xarunta Villa Soomaaliya ka furmay kulan labaad oo u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah, isla markaana dib u dhacay laba jeer oo hore, ayaa waxaa guddoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaa sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, Agaasimaha Hay’adda NISA, iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka.

Dhinaca Golaha Mustaqbalka, shirka waxaa ka qeyb-galaya xubnaha Madasha Samatabixinta iyo madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo goordhow gaaray Xarunta Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay.

Labada dhinac ayaa maalmahan waday wada-tashiyo gaar gaar ah oo ku aaddan qaabka wada-hadallada, iyadoo Golaha Mustaqbalka ka laabtay go’aankii ay hore ugu diideen in ay si toos ah ula fariistaan dowladda. Golaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray guddigii gaarka ahaa ee ay u xil-saareen wada-xaajoodka, iyagoo go’aansaday in ay si buuxda uga qeyb-galaan shirka ka socda Villa Soomaaliya.

Ajendaha kulanka maanta ayaa diiradda saaraya hannaanka doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan xaaladda maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle oo muddo-xileedkoodii dhammaaday. Golaha Mustaqbalka ayaa doonaya doorashooyin lagu heshiiyo, halka Dowladda Federaalka ay ku adkeysaneyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Shirkan ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo, iyadoo Beesha Caalamkuna si dhow ula socoto wada-hadallada, kana dalbaneysa dhinacyada in ay gaaraan heshiis siyaasadeed.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.