• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka
Share

Is-afgarad hordhac ah ayaa laga gaaray in shirka wada-tashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed lagu qabto Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Go’aankan ayaa yimid kaddib codsi uu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasul si loo abuuro jawi rasmi ah oo wadahadal.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in weli ay socdaan wada-xaajoodyo farsamo oo lagu dhammaystirayo habraacyada shirka, si loo xaqiijiyo in kulanka uu si rasmi ah u qabsoomo maalmaha soo socda.

Shalay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah Hotel Decale kula qaatay siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka iyo xubnaha guddiga farsamo ee shirka wada-xaajoodka, waxaana kulankaas lagu muujiyay isku soo dhowaansho iyo dhisidda kalsooni labada dhinac ah.

Qadada kaddib, dhinacyada ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in is-afgarad laga gaaray arrimo hore loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan goobta lagu qabanayo wada-hadallada.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo qabsoomidda shirka.

Is-afgaradka hordhaca ah ee laga gaaray goobta shirka ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu yareynayo xiisadda siyaasadeed, isla markaana lagu abuurayo jawi u sahlaya in wada-hadalladu u furmaan si rasmi ah.


Share

Recommended

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

4 months ago
Imaaraadka

Imaaraadka oo Lagu Eedeeyay Qorshe Ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh

1 year ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

1 year ago
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo farin cusub udiray shacabka soomaliyeed, Kadib Weerarli Baledweyne?

2 years ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay in Koonfur Galbeed yeelanayso hoggaan cusub

6 months ago
Dowladda Turkiga

Turkiga oo Diyaarado cusub oo kale Ku wareejiyey DF Soomaaliya

1 year ago
Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan Sheekh ka damacsan yahay deegaannadeeda.

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.