
Wararka24: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in la soo gaba-gabeeyay wejiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, loona gudbi doono wejiga saddexaad, kaas oo bilaabanaya 28-ka Febraayo.
Deni oo xalay khudbad u jeediyay shacabka Puntland ayaa sheegay in wejiga labaad lagu ciribtiray xarumo muhiim ah oo Daacish ay ku lahayd deegaanka Dhasaan, halkaas oo lagu tababari jiray dagaalyahannada kooxda iyo xubnaha fuliya weerarrada is-miidaaminta.
“Xogaha la helay iyo warbixinnada la wadaagay dalalka nala shaqeeya waxay caddeeyeen in Dhasaan, Dhadaar iyo Shebaab ay ahaayeen xarumo muhiim u ah Daacish, laguna tababari jiray xubno falal argagixiso ka geysta meelo ka baxsan Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha Puntland Deni ayaa wuxuu intaas ku daray in xubno la tababaray ay weerarro ka geysteen Waqooyiga Ameerika, Yurub, Carabta iyo Aasiya, halka hoggaanka kooxda uu saldhig ka dhigtay aaggaas.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in halista Daacish aysan ku koobnayn Puntland iyo Soomaaliya oo keliya, balse ay tahay mid caalami ah oo ka faa’iidaysatay firaaqada amni ee ka jirta gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dagaallada Yemen iyo burburka amni ee ka jira dalal kale oo ay kooxdu uga gudbeyso dalalka kale.
“Xaaladda dalka iyo kuwa deriska ah, gaar ahaan dagaalka ka socda Yemen iyo dhibaatooyinka Geeska Afrika, waxay siiyeen fursad ay uga faa’iidaystaan marinada Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo Badda Carabta,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Puntland ayaa la dagaalanka Daacish bilowday 4-tii Febraayo, kaddib markii wejiga koowaad lagu guuleystay bishii Janaayo. Ciidamada difaaca Puntland ayaa xilligan ku sugan meelihii ugu dambeysay ee Daacish ay kaga sugnaayeen Buuraleyda Calmiskaad.
Deni ayaa xusay in dagaalka lagu ciribtirayo Daacish uu sii socon doono ilaa laga suuliyo kooxdan, isagoo xusay in Puntland aysan ka helin taageero muuqata dowladda federaalka, inkastoo Villa Somalia ay bogaadisay hawlgalka.
Wararka Ugu Aqrinta Badan
148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
ShareMuqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah. Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar…
dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
ShareDhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah…
LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
Share Share