Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in laga dhisayo magaalada Saylac ee gobolka Awdal.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay taageersan tahay dhismaha maamulkaasi, isaga oo sheegay in dadaallada gooni-goosadka somaliland ay sii itaal-darreysay. Hadal uu jeediyay ayuu ku yiri, “Mashruucii gooni-goosadku wuu sii itaal-darreynayaa, waana laga kala baxay,” isaga oo hadalkaas u jeediyay xaaladda siyaasadeed ee taagan.
Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale bogaadiyay shacabka gobolka Awdal, gaar ahaan beelaha ku sugan, isagoo ku amaanay sida ay uga soo horjeedaan kala-goynta dalka, isla markaana uu hambalyo u diray xildhibaannada ku lugta leh ku dhawaaqista maamulka cusub.
Taageerada Dowladda Federaalka ayaa timid saacado kadib markii qaar ka mid ah xildhibaannada Somaliland ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen dhismaha Guban State of Somalia. Xildhibaannada beesha Ciise ayaa sheegay in caasimadda maamulkaasi ay noqon doonto magaalada Saylac.
Xildhibaannadu waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen inay taageero siiso maamulka cusub, isla markaana kaalin muuqata ka qaadato hirgelintiisa iyo dhismaha hay’adaha maamul.
Ku dhawaaqista Guban State ayaa ku soo aadeysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u shaacisay qorshe ay ku doonayso in gobolka Awdal looga dhiso maamul kale oo la yiraahdo Awdal State, kaas oo la sheegay in caasimaddiisu tahay magaalada Boorama, arrintaas oo weli dood siyaasadeed ka taagan tahay.
















