• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DENI: DFS Ayaa Sabab U Ah In Somaliland Ay Ictiraaf U Raadsato Israa’iil..?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
9 months ago
Reading Time: 3 mins read
Siciid Cabdullaahi Deni
Share

Wararka24: 12-01-2026: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sabab u tahay xaaladda keentay in Somaliland ay raadiso ictiraaf caalami ah, gaar ahaan mid ay ka hesho Israa’iil, isaga oo sheegay in hoggaanka federaalka uu ku fashilmay ilaalinta midnimada dalka.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah dhallinyarada Puntland, halkaas oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka, khilaafaadka taagan, iyo mustaqbalka wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Wuxuu sheegay in Puntland aysan diidaneyn wada-hadal qaran oo lagu xallinayo tabashooyinka jira, isla markaana ay ka qeyb-gelayso shir qaran haddii uu dhaco, balse uu xusay in shirkaasi miro dhal noqon karo oo keliya haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyo diyaar-garow dhab ah.

“Shirka Madaxweyne Xasan loogu baaqay waan tegeynaa, hadduu iska diidona awalba waxba nagama daadsanayn,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay taageersan tahay midnimada Soomaaliya,

Balse wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso kala qaybin, iskudir iyo muran siyaasadeed, halkii ay ka xoojin lahayd wada-jirka iyo wada-hadalka.

“In la yiraahdo dalkii baa la kala jarayaa, siyaasad xumo Dowladda Federaalka ah baa saldhig u ah. Maamulka hadda jooga waa maamul kala qaybin iyo mushaakil ka shaqeynaya, ee ma aha mid midnimo ka shaqeynaya,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in Puntland ay u taagan tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo jiritaankeeda gaarka ah, isaga oo tilmaamay in taasi ay ahayd ujeeddadii loo aasaasay maamulka Puntland sannadkii 1998.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaas ku daray in midnimada Soomaaliya aan lagu dhisi karin hadallo kulul, hanjabaad ama cay loo jeediyo Somaliland, isaga oo sheegay in habkaas uu sii fogeynayo is-fahamka siyaasadeed..

Muuqaalka oo dhameystiran Daawo!


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.