Wararka24: 12-01-2026: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sabab u tahay xaaladda keentay in Somaliland ay raadiso ictiraaf caalami ah, gaar ahaan mid ay ka hesho Israa’iil, isaga oo sheegay in hoggaanka federaalka uu ku fashilmay ilaalinta midnimada dalka.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah dhallinyarada Puntland, halkaas oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka, khilaafaadka taagan, iyo mustaqbalka wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Wuxuu sheegay in Puntland aysan diidaneyn wada-hadal qaran oo lagu xallinayo tabashooyinka jira, isla markaana ay ka qeyb-gelayso shir qaran haddii uu dhaco, balse uu xusay in shirkaasi miro dhal noqon karo oo keliya haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyo diyaar-garow dhab ah.
“Shirka Madaxweyne Xasan loogu baaqay waan tegeynaa, hadduu iska diidona awalba waxba nagama daadsanayn,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Deni ayaa sheegay in Puntland ay taageersan tahay midnimada Soomaaliya,
Balse wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso kala qaybin, iskudir iyo muran siyaasadeed, halkii ay ka xoojin lahayd wada-jirka iyo wada-hadalka.
“In la yiraahdo dalkii baa la kala jarayaa, siyaasad xumo Dowladda Federaalka ah baa saldhig u ah. Maamulka hadda jooga waa maamul kala qaybin iyo mushaakil ka shaqeynaya, ee ma aha mid midnimo ka shaqeynaya,” ayuu yiri.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in Puntland ay u taagan tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya iyo jiritaankeeda gaarka ah, isaga oo tilmaamay in taasi ay ahayd ujeeddadii loo aasaasay maamulka Puntland sannadkii 1998.
Madaxweynaha Puntland ayaa intaas ku daray in midnimada Soomaaliya aan lagu dhisi karin hadallo kulul, hanjabaad ama cay loo jeediyo Somaliland, isaga oo sheegay in habkaas uu sii fogeynayo is-fahamka siyaasadeed..
Muuqaalka oo dhameystiran Daawo!
















