Garoowe – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Sabti, 18-ka Oktoobar 2025, si rasmi ah u saxiixay “Xeerka La-dagaallanka Argagixisada Puntland”, ka dib markii uu horey u meel mariyay Baarlamaanka Puntland dabayaaqadii bishii Luulyo 2025.
Xeerkan ayaa dhaqan galay 8-dii Oktoobar 2025, kadib markii lagu daray faafinta rasmiga ah ee dowladda.
Xeerka cusub wuxuu siinayaa hay’adaha amniga awood ay ku qaadaan tallaabooyin gaar ah, oo ay ka mid yihiin in la geli karo guri ama goob lagu tuhunsan yahay iyadoo aan la wadan waaran garsoore, iyo in la dhegaysan karo isgaarsiinta dadka looga shakiyo inay ku lug leeyihiin hawlaha argagixisada.
Tallaabadan ayaa dhalisay dood ku saabsan waafaqsanaanta Dastuurka Puntland, gaar ahaan qodobka 21-aad ee mamnuucaya baarista iyo gelitaanka hoyga muwaadin aan la hayn amar maxkamadeed, marka laga reebo xaalado degdeg ah oo boolisku ku raad-joogaan dambiile ama fal dambiyeed ka socda gudaha hoyga.
Xeerkan ayaa sidoo kale dhigaya ciqaabo adag oo gaaraya 20 sano oo xabsi ah ama xukun dil ah, cid kasta oo lagu helo inay taageerto ama ka tirsan tahay kooxaha argagixisada.
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in xeerkan uu qayb ka yahay dadaalka lagu xakameynayo taageerada iyo ka qaybqaadashada falalka amni-darrada.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in xeerkan lagu dabaqi doono dadka haatan u xiran dambiyada argagixisada, isla markaana uu qayb ka yahay wejiga ugu dambeeya ee dagaalka Puntland kula jirto ururka Daacish, oo muddo ku dhow 15 sano saldhigyo ku lahaa buuraleyda gobolka Bari.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in xeerkan uu muhiim u yahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida Puntland, isagoo ku tilmaamay “tallaabo lama huraan ah” oo lagu xaqiijinayo nabadda iyo la xisaabtanka dadka xiriirka dhow la leh kooxaha argagixisada.
















