Muqdisho – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay war cusub oo ku saabsan dhulalka dadka laga kicinayo ee ku yaalla magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in hantida si sharci darro ah lagu qabsaday aan cid kale dhisan karin.
Bayaan kasoo baxay kooxda ayaa lagu yiri: “Waxaan u sheegaynaa shacabka Banaadir in dhul la boobay uusan dhisan karin qof aan ahayn kii iska lahaa, haddii uu dhulkaasi dowladeed ahaa laguma takri fali karo, weligiisana sida uu yahay ayuu ahaan doonaa.”
Hadalka ayaa waxaa la socday digniin iyo goodin, iyadoo kooxda ay ku eedeysay dadka dhismo ka wada dhul ay ku tilmaameen mid muran iyo boob ku dhisan.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan murano xooggan oo dhulal ah, kuwaas oo mararka qaar sababa iska horimaadyo u dhexeeya shacabka iyo ciidamada dowladeed.