Muqdisho – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in iskaashi ay la sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qaaday duqayn 13-kii bishan ka dhacday deegaan ku dhow magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.
Duqaynta ayaa lagu beegsaday nin lagu eedeeyay inuu hub u iibin jiray kooxda Al-Shabaab, waxaana la xaqiijiyay in halkaasi lagu dilay.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda dhaqaale iyo saadka ee Al-Shabaab, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay guul muhiim ah oo lagu xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxdan.