• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, May 9, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Madaxweynaha Ukraine oo Maanta La Kulmay Erdogan, Kadib safar degdeg ah uu ku Tagay Magaalada Ankara.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweynaha Ukraine

Madaxweynaha Ukraine oo Maanta La Kulmay Erdogan

Wararka Ugu Aqrintabadan

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

6 hours ago
Maxkamada oo go’aan ka gaartay ninkii weeraray Ilhaan Cumar

Maxkamada oo go’aan ka gaartay ninkii weeraray Ilhaan Cumar

6 hours ago
Load More
Share

Wararka24: Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa safar degdeg ah ugu ambabaxay Magaalada Ankara, si uu uga hadlo shirka Mareykanka iyo Ruushka uga furmay dalka Sacuudiga. Zelensky oo la kulmay Erdogan ayaa sidoo kale ka codsaday in uu qayb ka noqdo wada hadalada, si loo helo damaanad Awood leh.

Madaxweynaha Ukraine
Madaxweynaha Ukraine oo Maanta La Kulmay Erdogan

Shirka Caasimadda Riyadh ayaa loogu gogol-xaaraya in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, ka dib saddex sano oo dagaal ah. Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya Saraakiisha Ruushka iyo Mareykanka oo keliya, iyadoo aysan Ukraine wax door ah ku lahayn. Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaana horey u qaadacay shirka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Ukraine iyo xulafada reer Yurub laga la tashaday shirka, tiiyoo aan haddana miiska wada hadalka lagu arkin masuuliyiin ka socda Ukraine iyo xitaa Yurub oo goobjoog ka ah wada-xaajoodyada miiska wada hadalka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay inaanan lagu soo casuumin shirka, maadaama looga hadlayo masiirka dalkiisa. Sidokale Erdogan ayaa sheegay inaysan aqbali doonin wax kasta oo shirka ka soo baxa, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan soo dhaweyn doonin natiijo kasta oo Washington iyo Moscow ay gaaraan, inta Kyiv ay ka maqan tahay wada hadalka.

Madaxweynaha Ukraine Ukraine oo shir jaraa’id ku qabtay Ankara ayaa Boqortooyada Sacuudiga ugu baaqay inay qabato wada hadal caddaalad ah, isla markaana ay dib u dhigto shirka

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa sheegay in shirka ay tahay in lagu soo martiqaado Ukraine, Midowga Yurub, Turkiga iyo Ingiriiska, haddii la doonayo in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka dalkiisa.

Ukraine, Midowga Yurub, Turkiga iyo Ingiriiska waa inay ku lug yeeshaan wada hadalada iyo horumarinta damaanadaha amniga ee lagama maarmaanka u ah Mareykanka ee ku saabsan masiirka qaybteenna adduunka,” ayuu yiri Zelensky.

Zelensky ayaa shirkiisa jaraa’id ku dhalleeceeyay shirka labada geesoodka ah ee Ruushka iyo Mareykanka ay ku keliga yihiin, isla markaana looga hadlayo mustaqbalka Ukraine, iyadoo uusan jirin wakiil qura oo ku metelaya shirkaasi.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa ku nuuxnuuxsaday inuusan diyaar u ahayn in uu ogolaado in Ruushku uu qaato dhul ay Ukraine leedahay.

Madaxweynaha Ukraine
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in joojinta colaadda Ukraine ay tahay in la wada aqbalo, dhammaan Ukraine, Yurub iyo Ruushka.

Madaxweyne Donald Trump, oo ah midka riixaya wada hadalada Riyadh, ayaa la sheegaya in uu Ukraine dirqi kaga dhigi doono inay aqbasho in qayb ka mid ah dhulkeeda ay ku wareejiso Ruushka, si ay ugu bedelato nabad.

Ruushka ayaa horey dagaalka ugu qabsaday in ka badan boqolkiiba labaatan dhulka Ukraine, iyadoona Baarlamaanka Ruushka uu ansixiyay sharci lagu qarameeyay afar ka mid ah gobolada dalkaasi Ukraine oo lagu daray dhulweynaha Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xilligaasi wacad ku maray in dowladdiisu ay dhaqangelin doonto, waxa uu ku sheegay ansixinta sharciga qarameynta ah.

Muddadii Ukraine ay dagaalka kula jirtay Ruushka waxay taageerada ugu badan ka heleysay Dowladdii Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ee Madaxweyne Joe Biden, taasoo hadda u muuqato mid meesha ka baxday.

Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ee bishii November ku ololeynayay in haddii la doorto uu joojin doono taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Ukraine, isla markaana uu muddo gaaban ku soo afjari doono dagaalka Ukraine iyo Ruushka.

  • Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

    Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

    Wararka Ugu Aqrintabadan Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri 15 minutes ago Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka 26 minutes ago Load More ShareWararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku kala qaybiyeen degmooyin kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii dardargelinayaan abaabulka

    Sii Aqri


    May 9, 2026
  • Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

    Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

    Wararka Ugu Aqrintabadan Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri 15 minutes ago Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka 26 minutes ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xarigga dhalinyaro iyo wariyeyaal la sheegay inay ka

    Sii Aqri


    May 9, 2026
  • Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

    Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

    Wararka Ugu Aqrintabadan Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri 15 minutes ago Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka 26 minutes ago Load More ShareWararka24: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay loogana hadlay xaaladda amniga caasimadda iyo xoojinta wada-shaqeynta

    Sii Aqri


    May 9, 2026

Share
Tags: Madaxweynaha UkraineMadaxweyne ErdoganShirka Caasimadda Riyadhwararka caalamkawararka manta
Previous Post

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

Next Post

Fahad Yaasiin oo ku taliyey In Labaaro xaalada caafimaad ee Madaxda Qaranka, kadib Hadalki MD Xasan Sheekh

Related Posts

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

by Amin Cali Abdi
15 minutes ago

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku kala qaybiyeen degmooyin kala duwan oo ka tirsan magaalada...

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

by Amin Cali Abdi
26 minutes ago

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xarigga dhalinyaro...

Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

by Amin Cali Abdi
48 minutes ago

Wararka24: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay loogana hadlay...

DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho

DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho

by Amin Cali Abdi
2 hours ago

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray dibadbaxa ay qorsheynayaan inuu berri ka dhaco magaalada Muqdisho,...

Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle

Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle

by Amin Cali Abdi
5 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti City, halkaas...

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

Baarlamaanka Turkiga oo Soomaaliya u ansixiyay deeq $30 milyan ah

by Amin Cali Abdi
6 hours ago

Wararka24: Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa si rasmi ah u ansixiyay heshiis deeq taageero ah oo la siinayo dowladda...

Load More
Next Post
Fahad Yaasiin Xaaji

Fahad Yaasiin oo ku taliyey In Labaaro xaalada caafimaad ee Madaxda Qaranka, kadib Hadalki MD Xasan Sheekh

ruushka iyo Mareekanka ay

Ruushka iyo Mareekanka ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah shirkii Riyadh, Lavrov.

Ciidamada Xoogga Dalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Weerar ka Fuliyay Koonfurta Gobolka Mudug

Recommended

Putin

Erdogan oo Putin ula Hadlay Dagaalka Israel iyo Iran

11 months ago
Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari

Sacuudiga oo u oggolaaday Mareykanka saldhig cusub oo militari

2 months ago
Kenya

Kenya oo Diiday Qorshahe weyn oo ay Somaliland wadatay + Sababta

12 months ago
Mareykanka

Mareykanka oo Muujiyey Walaac Ku Saabsan Madaxweyne Xasan Sheekh

12 months ago
DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga

DF Soomaaliya oo saraakiil sare u dirtay Baraawe si loo xoojiyo amniga

2 months ago
Maxamed Cali Ameeriko

Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo lo magacaabay xilweyn + sababta?

9 months ago
NISA

NISA oo Burburisay Buundo Istiraatiiji ah oo Al-Shabaab Dhistay + Xog cusub?

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.