Wararka24: Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka aya Howlgal Manta 8da Deegaan Looga Xoreeyey Al-Shabaab ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi..

Howlgal Manta 8da Deegaan Looga Xoreeyey Al-Shabaab, laguna laayey ayaa ku saabsanaa deegaanno dhaca jiinka wabiga Shabelle,
Ciidamada ayaa gudaha u galay deegaanno ay kamid yihiin Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo kuwa kale oo ku yaala jiinka wabiga Shabeelle, horay ay ugu sugnaayeen Shabaab.
Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka la dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab ah, sida aan ka soo xiganay Caasimada, ayna ku jiraan horjoogayaal iyo maleeshiyaad, inkastoo aysan sheegin saraakiisha tirada rasmiga ah ee la khaarijiyay.
Sidoo kale, waxaa nolosha lagu soo qabtay xubno kale oo usoo gacan galay ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
Howlgalada Khawaarijta looga sifeynayo deegaanada dhaca Jiinka wabiga Shabeelle ayey dardar galiyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, iyadoo Argagixisada jab culus lagu gaarsiiyay howlgalka, isla markaana laga dilay maleeshiyaad badan, gacantana lagu dhigay dhagarqabayaal kale,” ayaa lagu yiri qoraal dowladda dhexe.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Mahadaay, oo haatan ay ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle.
Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wejigii koowaad ee dagaalka, iyada oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ay kamid tahay degmada Aadan Yabaal, oo muddo dheer talis wayn u hayad maleeshiyaadka argagixisada ah…
Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?
ShareWasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda uu la xiriiro xaalad caafimaad. Bayaan ay soo saartay Wasiiradu, ayaa lagu caddeeyay in safarkeeda aanu ahayn mid tahriib ah, sida ay baraha bulshada qaar ku faafiyeen, balse uu ku saabsan yahay arrimo caafimaad oo ay u…
Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB
ShareDr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo ay si weyn isugu heysteen garabyada siyaasadda gobolka. Dr. Adan oo kasoo jeeda beesha Hawiye, Cayr, Fiqishini, ayaa ahaa musharrax si toos ah ay u taageerayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabka uu hoggaamiyo Madaxweyne Firdhiye. Guushiisa…