
MUQDISHO — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad 15 daqiiqo ah ka jeediyay xil-wareejintii agaasimaha NISA. Xafladdu waxay ka dhacday xarunta hay’adda ee Habar-Khadiija.
Madaxweynuhu wuxuu amaanay labada agaasime ee Mahad Salaad iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe. “Sanbaloolshe waa nin khibrad sare leh, Mahad-na waa sidoo kale,” ayuu yiri.
Xasan Sheekh wuxuu sheegay in xilka isku wareejintu ay tahay Qaabka dowladnimada. Wuxuu ka hadlay amniga dalka iyo muhiimadda Soomaaliya ay ku leedahay adduunka.
Madaxweynuhu wuxuu ku taliyay in kalsooni la siiyo hay’adaha dowladda. “Xeyn daabka dowladnimada banaankiisa xal kuma gaari karno,” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in hay’adaha dowladda looga baahan yahay inay dadka dhageystaan. “Dowladdu sidaan ayey rabtaa ee maxay idinla tahay waa in dadka la dhahaa, laakiin go’aanka dowladdaa iska leh,” ayuu intaa ku daray.
Xasan Sheekh wuxuu ballan qaaday in dowladiisu ay dadka la tashan doonto.
Dadka Soomaaliyeed sida ay ku qanacsan yihiin waa in loo sameeyaa, waana lala tashanaa,” ayuu yiri.
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay kheyraadka ay Soomaaliya leedahay.
Wixii kheyraad ah ee dadka dunidaan ku nool ayuu Alle na siiyey,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay saaxiibo caalami ah. Madaxweynuhu wuxuu dadka ugu baaqay inay is aqbalaan oo dowladnimada wada dhistaan.
Soomaaliya shalay sidii ay aheyd maanta maaha, si meel sare aan u gaarno aan isku tanaasulno, waan koreynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Wuxuu u mahadceliyey madaxdii isaga ka horeysay. “Qof kasta ayaa dowladnimada meel soo gaarsiiyey, laakiin meeshaan inaan sii joogno maaha, dalku waa in uu hormar sameeyaa,” ayuu khudbaddiisa ku soo gabagabeeyay.