• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Gobolada Dhexe Waxaa dib u bilowday Hawlgalkii Weynaa ka dhanka khawarijinta Malinti 2aad..

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 7 mins read
hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe
Share

Wararka24: Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ayaa hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe ka bilowday, iyagoo dhaqdhaqaaq xoog leh ku wajahan deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe
hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka, oo la hawlgalaya Macawiisleyda, ayaa maalintii labaad waxay hawlgal ka wadaan deegaanada qaar ee ku teedsan xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud. Ciidan ka soo dhaqaaqay aagga Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa isku fidinaya xududda labada gobol.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo shalay hawlgal sifeyn ah ka sameeyay deegaanka Hilowle Gaab ay ku sii jeedeen deegaanka Cali Heele oo hoostaga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, iyadoo markaasi la jarayo gurmadkii maleeshiyada Al Shabaab ay ka helayeen dhinaca Degmada Galhareeri.

Ciidamada ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaq ka wadaan aagga deegaanka Goobo ee Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Ciidamadu waxay xoojinayaan ammaanka xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Qorshaha hawlgala Gobolada Dhexe ayaa u muuqdo mid ay ciidamadu kaga hortagayaan gurmadka ay Shabaabku ka heli karaan Dac, Wabxo iyo Ceelbuur oo Galgaduud ka tirsan.

hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe
hawlgalkii weynaa ee Gobolada Dhexe

Ciidamada ayaana isha ku haya dhaqdhaqaaqyada deegaanka Ceelgorof, oo ah deegaan ay Shabaabku maamulaan, kuna xira saldhigyadooda ay ku leeyihiin Dac iyo Wabxo.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa toddobaadkii saddexaad waxay hawlgal sifeyn ah ka wadaan bariga Gobolka Hiiraan, si Shabaabka looga saaro deegaanada dhaca bariga Webiga Shabelle.

Shabaabka ayaa waxay u muuqdaan kuwo ku mintidaya gacan ku haynta deegaanka Jicibow, oo ahmiyad weyn u leh hawlgalka ka soconaya webiga jiinkiisa.

Saraakiisha Ciidamada ayaa horaan sheegay in hawlgalka Gobolada Dhexe uu bilow u yahay guluf weyn ee la doonayo in lagu xoreeyo daanta galbeed webiga ee galbeedka gobolkaasi, halkaas oo muddo dheer ay Shabaabku maamulayeen.

Warbaahinta ayaa fahamsan in hawlgalka ay maalmaha ina soo aaddan ku biiri doonaan ciidamo lagu abaabulay galbeedka Magaalada Beledweyne, una badan beelaha dega galbeedka gobolkaasi.

Sidoo kale hawlgalka ayaa waxaa lagu wadaa in Sabtida illaa Axadda ay ku soo biiraan ciidan cusub, oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Arbacadii tababar ugu soo xiray Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la filayaa in ay kaalmeeyaan ciidamada kale ee maalmihii ugu dambeysay ku sii siqayay deegaanka Jicibow, balse ay ku adkaatay in ay si dhakhsi ah ula wareegaan deegaankaasi, sababtu tahay Shabaab oo si is daba joog ah halkaasi gurmad ugu dirayay.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobaadkan bilaabay hawlgalka ay ciidamada isugu ballaarinayaan xuduudaha gobolkaasi, inkastoo Shabaabka Jicibow ay gurmadka xooggiisa ka helayeen deegaanada galbeedka webiga.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada hawlgalka ka bilaabay Gobolka Shabellaha Dhexe loogu talagalay in ay isku fidiyaan dhulka hawdka ah ee dhaca xuduudda Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Ciidamo kale oo lagu diyaariyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la filayaa in lagu dhaqaajiyo deegaanada Gamboole iyo Jiliyaale (Jameeca Jiliyaale) ee galbeedka gobolkaasi. Shabaabka Hirshabelle ayaa ku xoogan galbeedka labada gobol ee Hirshabelle.

Dhanka kale waxaa geba-gabo ku dhow inay hawlgalaan ciidamo lagu abaabulay Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, oo ay tahay in ay qabtaan deegaanada bariga gobolkaasi.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda abaabulaya saraakiisha la doonayo in ay hoggaamiyaan guluf ballaaran oo ku wajahan Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri. Ceelbuur oo kale waxaa la sheegay in qorshuhu uu yahay in ciidamadu ay laba jiho ka weeraraan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka qalab qaadan doonaan xeryahooda Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel. Ciidamada kale ee ku sugan Ceeldheer ayaa iyana loo jiheynaya dhinaca Galhareeri.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee la abaabulay ayaa iyana duleedyada Degmada Xarardheere ee koonfurta Gobolka Mudug ka bilaabay hawlgal ka dhan ah Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hawlgalka deegaanada Galmudug ay ka qayb qaadan doonaan Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee sanadihii la soo dhaafay ku uruursanaa deegaanka Bohol ee waqooyiga Dhuusamareeb.

Xerta Ahlu Sunna ee ku sugan Degmooyinka Baxdo iyo Wisil ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa xitaa qayb ka noqon doona hawlgalka la isugu furayo waddooyinka deegaanada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo 30-kii bishii January Xarunta Taliska ku qaabilay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa ka codsaday in ay ka taageerayaan wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Shaakir uu aqbalay soo jeedintaasi, iyagoo markaasi ku bedelanaya in dib loo soo nooleeyo doorkoodii siyaasadeed ee Galmudug.

Tan iyo markii General Odawaa Yuusuf Raage bishii November dib loogu soo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaad arkaysaa in Taliska Militariga oo dib boorka uga jafayo la dagaalankii Al Shabaab.

Jananka da’da yar ee maamula Militariga Somaliya ayaa mar kale xaalad ciriiri ah gelinaya Shabaabka bartamaha dalka, si la mid ah sanadkii 2023, markaas oo laga saaray inta badan dhulkii ay ka maamulayeen Galmudug iyo Hirshabelle.

  • Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

    Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

    ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka hadlayay mustaqbalka Somaliland iyo xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Cirro ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu 24-kii Sebtembar 2026 magaalada New…

    Sii AQri


    September 25, 2026
  • Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

    Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

    ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha Puntland, iyadoo maamulka uu sheegay in markabka iyo shaqaalihii saarnaa la badbaadiyay. Puntland ayaa sheegtay in howlgalka lagu soo qabtay markabka uu dhacay kaddib iska horimaad dhexmaray…

    Sii AQri


    September 25, 2026
  • Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

    Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

    ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka mid ah deegaannada ay dowladda hadda maamusho, xilli howlgalka Midowga Afrika uu wajahayo isbeddel iyo hoos u dhac ku yimaada joogitaanka ciidamadiisa. Hay’addu waxay sheegtay in khatartu…

    Sii AQri


    September 25, 2026

Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.