• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya iyo Mareykanka oo Hishisyo muhiim ah galay, Kadib Magacabisti Wasir FIQI

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 4 mins read
Soomaaliya iyo Mareykanka

Kulan dhexmaray Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Gen. Michael E. Langley March 6, 2025

Share

Soomaaliya iyo Mareykanka
Kulan dhexmaray Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Gen. Michael E. Langley PHOTO March 6, 2025 USTV

Muqdisho (Wararka24)– Isbeddel cusub oo dhanka amniga ah ayaa si rasmi ah uga billowday xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kadib magacaabista Axmed Macallin Fiqi oo loo doortay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Tallaabadan ayaa fure u noqotay dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo dib-u-dhiska kalsoonidii laba geesoodka ahayd ee aad uxumaa sanadihii dambe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabista Fiqi u adeegsaday farriin cad oo diblomaasiyadeed, taasoo ku socotay saaxiibada beesha caalamka – gaar ahaan Mareykanka – si loo muujiyo rabitaanka dowladda ee la xiriira isbeddel iyo hufnaan cusub oo lagu hago Wasaaradda Gaashaandhigga.

Saacado un kadib markii xilka lagu wareegay, Wasiir Fiqi wuxuu la kulmay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, oo sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu dib u furo mashaariic amni oo horay loo hakiyay. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray barnaamijyo ay kamid yihiin tababarro ciidan iyo qalabeyn loogu talagalay Ciidamada xooga dalka ee DF somalia.

Soomaaliya iyo Mareykanka
Kulanka Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Gen. Michael E. Langley 6da march 2025 danjiraha mareekanka Richard H. Riley

Dadaalladan cusub waxaa sii xoojiyay booqashadii uu Muqdisho ku yimid Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley, oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya. Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid xaqiijinaya in Mareykanku si buuxda ugu qanacsan yahay hoggaanka cusub ee difaaca.

Dhinaca kale, dib-u-soo laabashada General Odawaa Yuusuf Raage oo markale loo xilsaaray hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay sare u qaaday kalsoonida gudaha iyo dibadda. Ilo-wareedyo wasaaradeed ayaa xaqiijiyay in dalal dhowr ah ay billaabeen xiriir toos ah oo loogu talagalay iskaashi ciidan iyo taageero farsamo.

Soomaaliya iyo Mareykanka

Sidoo kale, saraakiil Mareykan ah ayaa soo jeediyay qorsheyaal cusub oo la xiriira la-dagaallanka xagjirnimada, kuwaasoo isugu jira xeelado amni iyo kuwo warbaahineed oo lagu xoojinayo wacyiga bulshada si loo wiiqo fikradaha xagjirka ah.

Kalsoonida lagu qabo Wasiir Fiqi iyo Taliye Odawaa ayaa noqotay saldhig uu Mareykanku ku dhiso dib-u-habeynka iskaashiga. Hoggaan cusub oo aan lagu eedeyn musuqmaasuq ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay la timaado daahfurnaan iyo isla xisaabtan dhab ah.

Soomaaliya iyo Mareykanka
Kulanka Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Gen. Michael E. Langley Photos ustv March 6, 2025

Diblomaasiyaddan firfircoon iyo dadaallada degdegga ah ee dib-u-heshiisiinta ah ayaa loo arkaa in ay dib u soo noolayn karaan taageeradii beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, oo ah lammaane istiraatiiji ah marka laga hadlayo nabadeynta iyo amniga Soomaaliya.

Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.