• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, October 14, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya iyo Mareykanka oo Hishisyo muhiim ah galay, Kadib Magacabisti Wasir FIQI

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya iyo Mareykanka

Kulan dhexmaray Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Gen. Michael E. Langley March 6, 2025

Share

Soomaaliya iyo Mareykanka
Kulan dhexmaray Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Gen. Michael E. Langley PHOTO March 6, 2025 USTV

Muqdisho (Wararka24)– Isbeddel cusub oo dhanka amniga ah ayaa si rasmi ah uga billowday xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kadib magacaabista Axmed Macallin Fiqi oo loo doortay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Tallaabadan ayaa fure u noqotay dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo dib-u-dhiska kalsoonidii laba geesoodka ahayd ee aad uxumaa sanadihii dambe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabista Fiqi u adeegsaday farriin cad oo diblomaasiyadeed, taasoo ku socotay saaxiibada beesha caalamka – gaar ahaan Mareykanka – si loo muujiyo rabitaanka dowladda ee la xiriira isbeddel iyo hufnaan cusub oo lagu hago Wasaaradda Gaashaandhigga.

Saacado un kadib markii xilka lagu wareegay, Wasiir Fiqi wuxuu la kulmay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, oo sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu dib u furo mashaariic amni oo horay loo hakiyay. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray barnaamijyo ay kamid yihiin tababarro ciidan iyo qalabeyn loogu talagalay Ciidamada xooga dalka ee DF somalia.

Soomaaliya iyo Mareykanka
Kulanka Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Gen. Michael E. Langley 6da march 2025 danjiraha mareekanka Richard H. Riley

Dadaalladan cusub waxaa sii xoojiyay booqashadii uu Muqdisho ku yimid Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley, oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya. Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid xaqiijinaya in Mareykanku si buuxda ugu qanacsan yahay hoggaanka cusub ee difaaca.

Dhinaca kale, dib-u-soo laabashada General Odawaa Yuusuf Raage oo markale loo xilsaaray hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay sare u qaaday kalsoonida gudaha iyo dibadda. Ilo-wareedyo wasaaradeed ayaa xaqiijiyay in dalal dhowr ah ay billaabeen xiriir toos ah oo loogu talagalay iskaashi ciidan iyo taageero farsamo.

Soomaaliya iyo Mareykanka

Sidoo kale, saraakiil Mareykan ah ayaa soo jeediyay qorsheyaal cusub oo la xiriira la-dagaallanka xagjirnimada, kuwaasoo isugu jira xeelado amni iyo kuwo warbaahineed oo lagu xoojinayo wacyiga bulshada si loo wiiqo fikradaha xagjirka ah.

Kalsoonida lagu qabo Wasiir Fiqi iyo Taliye Odawaa ayaa noqotay saldhig uu Mareykanku ku dhiso dib-u-habeynka iskaashiga. Hoggaan cusub oo aan lagu eedeyn musuqmaasuq ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay la timaado daahfurnaan iyo isla xisaabtan dhab ah.

Soomaaliya iyo Mareykanka
Kulanka Danjire Axmed Macallin Fiqi iyo Gen. Michael E. Langley Photos ustv March 6, 2025

Diblomaasiyaddan firfircoon iyo dadaallada degdegga ah ee dib-u-heshiisiinta ah ayaa loo arkaa in ay dib u soo noolayn karaan taageeradii beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, oo ah lammaane istiraatiiji ah marka laga hadlayo nabadeynta iyo amniga Soomaaliya.

Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: MareykankaSoomaaliyawararka caalamkawararka mantawararka somalia
Previous Post

Golaha Baarlamaanka oo dib ufurmay + faahfaahin dheerad ah

Next Post

Wararki Ugu danbeeyey Xiisadda u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Cali Jeyte

Cali Jeyte oo ka hadlay dilka horjooge Cali Qoyane..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Beledweyne – Cali Jeyte Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha macawiisleyda, ayaa sheegay in dilka horjoogihii Al-Shabaab Cali...

Dagaal culus

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Daacish oo Malinti labaad Socda, Maxa Cusub?

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Boosaaso – Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxaha Daacish ayaa galay maalintiisii labaad, kadib...

Xasan Sheekh

Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya ay ku Saxan-tahay doonista marin-badeed..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu yahay...

Puntland

Puntland oo nin u dhashay turkiga gacanta kuso dhigtay..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Boosaaso – Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay muwaadin u dhashay Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan,...

LIVE: Wararka maanta

LIVE: Wararka maanta Wararka24 Gudaha soomalia iyo caalamka si toos ah 247

by Amran Mahad
October 14, 2025

Wararka maanta gudaha Soomaaliya iyo caalamka oo toos ah. Warar degdeg ah, faahfaahsan, iyo xog sugan oo ka...

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Next Post
Hindiya

Wararki Ugu danbeeyey Xiisadda u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan

Mareykanka

Mareykanka oo digniin culus u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib shirkii Madashii wadatashiga qaranka

Roobab

Daawo warbixinta: Roobab mahiigaan ah oo khasaare Dhimasho geystay ayaa ka da’ay magaalada Muqdisho

Recommended

DF Soomaaliya oo Diiday in cunaqabateynta laga qaado Iran, Sababta?

DF Soomaaliya oo Diiday in cunaqabateynta laga qaado Iran, Sababta?

3 weeks ago
Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweyne Deni oo Safar Diblomaasiyadeed Ku Tegay Itoobiya iyo Imaaraadka

5 months ago
Hotel Qaahira Beledweyne 2

Wararka24: Hotel Qaahira Al-Shabaab Oo Weli ka dhex dagaalamaya + faahfaahin dherad ah

7 months ago
Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo

Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo

3 months ago
Mareykanka

Mareykanka Oo Dib U Bilaabay Fiisaha Ardayda Harvard

4 months ago
Shabaab

Wararka24: Weerarrada Al-Shabaab iyo daldaloolada amniga Soomaaliya

7 months ago
Madaxweynaha Iran

Madaxweynaha Iran oo Ku Adkaystay Inaanay Gorgortan Ka Gelin Barnaamijkooda Nukliyeerka ah.

5 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.