Cali Cabdullaahi Cosoble, oo ahaa madaxweynihi ugu horeeyay ee dowlad goboledka Hirshabele, ayaa geeriyoday.
Cosoble ayaa ku geriyoday dalka Masar, fiidnimadii Axadda, 22-ka Noofembar, halkaas oo uu ku jiray isbitaal. Qoyskiisa ayaa xaqijiyay gerida.
Wuxuu muddo bilo ah la xanunsanayay xanuun, balse faahfaahin ku saabsan nooca xanuunka lama shaacin.
Cosoble ayaa ku dhashay magalada Muqdisho 15-kii Juun 1961, wuxuuna dhintay isagoo 65 jir ah.
Wuxuu shahadada koowaad ee dhaqaalaha beeraha ka qaatay Jaamacada Sam Houston State ee gobolka Texas ee Mareykanka.
Waxbarashadiisa kadib, wuxuu ka shaqeeyay Bangiga Horumarinta Soomaaliyeed, kadibna hay’adda Oxfam-Quebec ee magaalada Beledweyne. Markii dambe wuxuu noqday wakiilka hay’addaas ee Soomaaliya, isagoo fadhigiisu ahaa Nairobi.
Cosoble wuxuu xildhibaan ka ahaa Baarlamaanka Federaalka KMG ah intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2012.
Sannadkii 2005 wuxuu noqday Wasiirka Waxbarashada xilligii Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi, kadibna wuxuu soo noqday Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii dowlad goboleedka Hirshabeelle. Sannadkii 2016, waxaa loo doortay madaxweynihii ugu horreeyay ee maamulka, kadib markii uu helay 61 cod, halka musharraxii la tartamay, Maxamed Cabdi Waare, uu helay 36 cod.
Muddadiisii xilka, wuxuu dhisay golihii ugu horreeyay ee wasiirrada Hirshabeelle, wuxuuna kormeeray doorashadii xildhibaannada Aqalka Sare ee maamulka.
14-kii Agoosto 2017, golaha wakiillada Hirshabeelle ayaa xilka uga qaaday mooshin kalsooni kala noqosho ah. Cosoble ayaa ku dooday in xil ka qaadistaas ay ka hor imaaneysay dastuurka.
Waxaa xilka beddelay Maxamed Cabdi Waare, kadibna Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo xilka qabtay 2020.
Muddooyinkii dambe, Cosoble wuxuu guddoomiye ka ahaa gole siyasaded oo ka mid ah bulshada Hiiraan, wuxuuna weli door ka ciyaarayay siyaasadda gobolka.
Bishii Sebtembar ee sannadkan, wuxuu hoggamiyay wafdi Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Guudlaawe.
Aabbihiis, Cabdullaahi Cosoble Siyaad, ayaa wasiir ka soo noqday dowladdii milatariga ee Maxamed Siyaad Barre.
Lama shaacin goorta iyo meesha lagu aasi doono marxuumka.
Ilaahay ha u naxariisto, qoyskiisa iyo ehelkiisana samir iyo iimaan ha ka siiyo.









