Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa muddo kooban xirtay shan nin oo Mareykan ah, kadibna ku wareejisay safaaradda Mareykanka, iyadoo ku eedeysay inay isku dayeen falal khatar gelinaya amniga.
Ragga ayaa Isniintii galabnimo ka dhoofay Hargeysa, iyagoo raacay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines.
Xog cusub ayaa muujinaysa in raggaas lagu casuumay Hargeysa xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan.
Warqad ku taariikheysan 4-ta Noofembar, oo ka soo baxday xafiiska wasiirka, ayaa ku martiqaadday inay qiimeyn ku sameeyaan fursadaha maalgashi ee Somaliland, isla markaana ay daraasad ku sameeyaan mashaariic laga hirgelin karo.
Il ogaal u ah arrinta ayaa sheegtay in raggu ay u shaqeynayeen shirkad lagu magacaabo Parallel Black, oo laga diiwaangeliyay gobolka Delaware ee Mareykanka, wax ka yar laba bilood kahor.
Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Somaliland (NIA) ayaa Axaddii fiidkii war ku soo saartay barta X.
“Raggan waxay isku dayeen inay fuliyaan falal khatar gelinaya amniga qaranka Somaliland,” ayay tiri hay’addu, iyadoo aan faahfaahin falalkaas.
Hay’adda ayaa sheegtay in raggaas ay la socotay tan iyo markii ay Hargeysa yimaadeen, isla markaana ay sameysay baaritaan ballaaran oo ku saabsan hawlahooda.
Ciidamada amniga ayaa raggaas ku hayay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa muddo saacado ah, iyagoo su’aalo weydiinayay.
Kadib markii baaritaanka la dhammeeyay, ayaa loo gacan geliyay safaaradda Mareykanka.
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, hay’adda NIA iyo shirkadda Parallel Black midkoodna si degdeg ah ugama jawaabin codsiyada faallo.
Sidoo kale lama shaacin sababta wasiirka uu u casuumay raggaas, iyo sababta hay’adda sirdoonku ay u xirtay iyadoo ay jirtay casuumaad rasmi ah.
Somaliland ayaa 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, balse aqoonsi caalami ah oo ballaaran ma haysato.
Bishii Juun, warbixin Mareykan ah ayaa dekedda iyo garoonka Berbera ku tilmaamtay goobo ku habboon maalgashiga iyo iskaashiga amni ee Mareykanka, iyadoo mar kale xaqiijisay in Washington ay Somaliland u aqoonsan tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya.









