Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hadal uu ka jeediyey isu-soo-bax siyaasadeed oo ka dhacay magaalada Youngstown ee gobolka Ohio ku kala saaray Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in magaca uu u adeegsaday Soomaalida Minnesota uusan ula jeedin Somaliland.
Trump ayaa Isniintii, 12-ka Oktoobar, khudbaddiisa ku sheegay inuu magaca “Somalia-land” u adeegsado marka uu ka hadlayo Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, balse uu Somaliland u arko meel ka duwan Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale soo jeediyey in Somaliland ay magaceeda beddesho si looga fogaado isku khaladka magacyada.
“Waxaan ugu yeeraa Somalia-land, ee ma aha Somaliland, sababtoo ah waa meel gebi ahaanba ka duwan. Dadka qaar ayaa jecel Somaliland, sidaas darteed uma jeedo iyaga,” ayuu yiri Trump, isagoo hadalkiisa ku daray in magaca Somaliland la beddelo.
Hadalka Trump ayaa yimid xilli uu khudbaddiisa ku dhaliilayay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota iyo siyaasadaha socdaalka Mareykanka. Sida ku cad qoraalka khudbaddiisa, hadalka ku saabsan Somaliland wuxuu ku dhex jiray dooddiisa gudaha Mareykanka, mana uusan shaacin go’aan cusub oo ku saabsan siyaasadda dibadda ee Washington.
Madaxtooyada Somaliland ayaa soo dhaweysay hadalka madaxweynaha Mareykanka, iyadoo sheegtay in kala saaridda uu sameeyay ay muujinayso xaaladda siyaasadeed ee gaarka ah ee Somaliland iyo dadaalkeeda ku aaddan aqoonsi caalami ah.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhawaan booqasho ku tagay Mareykanka, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin uu kala hadlay xiriirka labada dhinac iyo suurtagalnimada in Washington ay aqoonsato Somaliland.
Cirro ayaa sidoo kale wareysi uu siiyey warbaahinta Breitbart News ku sheegay in Trump uu fursad u haysto inuu taariikh sameeyo haddii uu aqoonsado Somaliland. Wuxuu xusay in Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi ku saabsan la dagaallanka argagixisada, burcad-badeedda iyo sugidda amniga marin-biyoodka muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah.
Somaliland waxay ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991, waxayna tan iyo markaas lahayd maamul, hay’ado iyo doorashooyin u gaar ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Somaliland u aqoonsan tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya.
Hadalka Trump ayaa soo jiitay dareen siyaasadeed, hase yeeshee ma uusan ku dhawaaqin aqoonsi rasmi ah oo Mareykanku siinayo Somaliland. Sidaas darteed, weli ma cadda in hadalkani wax ka beddeli doono mowqifka rasmiga ah ee Washington ee ku saabsan arrinta aqoonsiga.

