Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mucaaradka ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-hadallada, si xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu dhagax-dhigay dhismaha Jaamacadda Difaaca Qaranka iyo Isbitaalka Xoogga Dalka, kuwaas oo qayb ka ah mashaariicda dowladda federaalka ee lagu horumarinayo waxbarashada sare iyo adeegyada caafimaadka ciidamada qalabka sida.
Isagoo ka hadlayay khilaafka siyaasadeed ee dalka, ayuu dhaliil u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay taageero iyo dhexdhexaadin ka raadsadeen dhinacyo shisheeye, halkii ay khilaafaadka kala dhexeeya dowladda kaga xallin lahaayeen gudaha dalka.
“Nin carooday oo ajnabi u cararay, oo maslaxad ka doontay, waxba kama beddeli karo dalka ee gogosha soo fariista,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu sheegay in dowladda federaalku marar kala duwan fidisay gogol wada-hadal oo loogu talagalay in dhinacyada siyaasadda ay ku xalliyaan khilaafaadka jira, isagoo caddeeyay in mowqifka dowladda ee ku aaddan wada-hadalku aanu isbeddelin.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda ay doonayso nabad, walaaltinimo iyo midnimo, isla markaana ay diyaar u tahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay qayb ku yeeshaan talada dalka.
“Annagu mar walba gogol Soomaaliyeed ayaan fidinaynay. Mowqifkeennuna waa nabad ayaan rabnaa, walaalnimo ayaan rabnaa, midnimo ayaan rabnaa. Waxaan rabnaa dowlad ay dhammaan dadka Soomaaliyeed leeyihiin, taladeedana ay wadaagaan,” ayuu yiri.
Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in wada-tashiga iyo is-weydaarsiga aragtiyaha ay yihiin hababka ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka, isagoo rajo ka muujiyay in dhinacyada siyaasadeed ay mar kale isugu yimaadaan miiska wada-hadallada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in dhinacyadu ay xor u yihiin inay miiska soo dhigaan arrimaha ay isku hayaan, hase yeeshee uu jiro qodobo uu ku tilmaamay kuwo aan laga tanaasuli karin, gaar ahaan kuwa la xiriira midnimada, amniga iyo gobannimada Soomaaliya.
Baaqan ayaa imanaya iyadoo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka uu weli taagan yahay, iyadoo dhinacyadu ay isku khilaafsan yihiin wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka nidaamka siyaasadeed ee dalka.









