Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

QM oo shegtay in Boosaaso loo adeegsaday arrimo dagaal

Warbixin QM ah ayaa sheegtay in saldhig ku yaalla Boosaaso loo adeegsaday tababar iyo marin calooshood u shaqeystayaal RSF.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 8, 2026, 6:34 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
QM oo shegtay in Boosaaso loo adeegsaday arrimo dagaal
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Warbixin qarsoodi ah oo ay diyaariyeen khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saldhig ku yaalla magaalada Boosaaso loo adeegsaday tababar iyo marin loogu gudbiyo calooshood u shaqeystayaal Kolombiyaan ah oo u dagaallamayay ciidamada RSF ee Suudaan.

Warbixinta oo ah tii afraad ee saddexdii biloodba mar ay soo saaraan Guddiga Khubarada QM ee Suudaan, ayaa Golaha Ammaanka la gaarsiiyay dabayaaqadii Oktoobar, waxaana la sheegay in aan si guud loo shaacin doonin.

Sida lagu sheegay warbixinta, shirkad amni oo xarunteedu tahay Abu Dhabi, una dhow dowladda Imaaraadka, oo lagu magacaabo Global Security Services Group, ayaa shaqaaleysiisay dagaalyahannadaas.

Warbixinta ayaa sheegtay in calooshood u shaqeystayaasha loo soo mariyay Liibiya, Soomaaliya iyo Chad, kahor inta aan la gaarsiin Suudaan.

Khubarada ayaa xusay in saldhigga Ciidamada Booliska Badda ee Puntland (PMPF) ee Boosaaso uu ahaa goob loo adeegsaday gudbinta iyo tababarka dagaalyahannadaas.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in ciidamadaas booliska badda ay maalgeliso, tababarto, kormeertana milatariga Imaaraadka.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in hub iyo sahay loo gudbiyay RSF iyadoo la marinayo Liibiya, Itoobiya, Chad, Puntland iyo Somaliland.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa horey u sheegtay in qandaraasle Kolombiyaan ah uu u sheegay inuu bishii Maarso 2025 ku sugnaa Boosaaso muddo ku dhow toban maalmood, isagoo la socday koox ka kooban qiyaastii 40 qof.

Qandaraasluhu wuxuu sheegay inay kadib u gudbeen Suudaan, iyagoo maray Imaaraadka iyo Chad.

Calooshood u shaqeystayaashan, oo loo yaqaan “Yeyda Saxaraha,” ayaa lagu eedeeyay inay maamuli jireen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, isla markaana ay tababar siin jireen dagaalyahannada RSF.

Baarayaal kale oo QM ah ayaa sheegay in kooxdani ay door muhiim ah ka qaadatay qabsashadii magaalada Al-Faashir bishii Oktoobar 2025, taasoo ay ka dhaceen xasuuq iyo xadgudubyo loo geystay shacab rayid ah.

Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay eedeymaha. Warqad ay Imaaraadku u direen khubarada ayay ku sheegeen inay “diidayaan eedeyn kasta oo khalad ah oo la xiriirta colaadda Suudaan,” balse ay eedeymaha calooshood u shaqeystayaasha si dhab ah u qaadanayaan.

Shirkadda Global Security Services Group ayaa iyaduna beenisay inay dagaalyahanno u qortay Suudaan, waxayna sheegtay in shaqadeedu tahay ilaalinta safaaradaha iyo xafiisyada diblomaasiyadeed ee Imaaraadka.

Maamulka Puntland ayaa horey u beeniyay in garoonka Boosaaso loo adeegsaday saldhig duulimaadyo la xiriira Suudaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in aan la oggolaan in dhulka Soomaaliya loo adeegsado howlgallo milatari oo la xiriira dagaalka Suudaan, balse waxay qirtay in xog wadaagga ay la leedahay dowlad goboleedyada uusan dhammeystirnayn.

Dagaalka Suudaan ayaa bilowday bishii Abriil 2023, wuxuuna dhaliyay mid ka mid ah xaaladaha bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Waa kuma ninka ka adkaaday Netanyahu ee loo xilsaaray dhismaha xukuumadda Israa’iil?

Waa kuma ninka ka adkaaday Netanyahu ee loo xilsaaray dhismaha xukuumadda Israa’iil?

1 day ago
Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

1 day ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar, kana qeyb galay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar, kana qeyb galay

1 day ago
Midowga Afrika iyo EU oo  ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab

Midowga Afrika iyo EU oo ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab

1 day ago
Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

3 days ago
QM oo shegtay in Boosaaso loo adeegsaday arrimo dagaal

QM oo shegtay in Boosaaso loo adeegsaday arrimo dagaal

3 days ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

3 days ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.