Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar ku qaadanaya dugsiga tababarka ee Xananbuure, ee ku yaalla deegaannada maamulka Galmudug.
Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Xoogga Dalka, Gashaanle Sare Saxal Cabdullaahi Cumar (Khaalid), ayaa booqasho ku tagay xarunta tababarka, halkaas oo uu khudbad dhiirrigelin ah ugu jeediyay askarta cusub.
Taliyaha ayaa ku ammaanay askarta inay doorteen difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda, isla markaana ay naftooda iyo waqtigooda u hureen waddanka.
Wuxuu ku booriyay inay Ilaah ka cabsadaan, ilaaliyaan anshaxa iyo sharciga ciidanka, una adkeystaan waajibaadka loo igmaday.
Sidoo kale wuxuu ku dhiirrigeliyay inay noqdaan kuwo feejignaan iyo geesinimo leh, isla markaana ixtiraama xuquuqda aadanaha.
Gashaanle Sare Saxal ayaa sheegay in dalku u baahan yahay askar leh waddaniyad, xirfad iyo mas’uuliyad, kuwaas oo ka qeyb qaata sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo la dagaallanka Khawaarijta.
Wuxuu tilmaamay in hadafka ugu weyn uu yahay in nabad waarta laga dhaliyo dalka oo dhan.
Taliyaha ayaa sidoo kale salaan u diray kooxo kale oo isla dugsigaas ku dhammeystay tababarkooda, kuwaas oo isu diyaarinaya inay gutaan waajibaadka qaran ee Xoogga Dalka.
Tirada askarta cusub iyo muddada tababarka ayaan la shaacin.
Dowladda federaalka ayaa muddooyinkan dambe si weyn diiradda u saartay tababarka ciidamo cusub, xilli dalku uu mudnaanta koowaad siinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Tallaabadan ayaa sidoo kale qeyb ka ah diyaar garowga ay ciidamada dowladda ugu jiraan inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga ee deegaannada ay ka baxayaan ciidamada howlgalka AUSSOM.









