Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

‎Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo markii dambe gaaray Itoobiya, halkaas oo uu uga soo gudbay magaalada Feerfeer ee gobolka Hiiraan. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in magaalada Feerfeer ay kaga soo galbiyeen ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka baxay Beledweyne

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
November 6, 2026, 5:05 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo horay u soo noqday taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyo siyaasiga Maxamed Daahir ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib markii ay safar dhulka ah uga soo gudbeen dhinaca Itoobiya.
‎
‎Sanbaloolshe ayaa la sheegay inuu ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo markii dambe gaaray Itoobiya, halkaas oo uu uga soo gudbay magaalada Feerfeer ee gobolka Hiiraan. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in magaalada Feerfeer ay kaga soo galbiyeen ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka baxay Beledweyne.
‎
‎Xildhibaanka ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin ujeeddada safarkiisa, balse intii uu magaalada joogay wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay waxgaradka, siyaasiyiinta iyo xubnaha hoggaaminaya dhaqdhaqaaqa ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.
‎
‎Sanbaloolshe ayaa wareysi uu dhawaan magaalada Nairobi ku siiyay Gaylan Media ku sheegay in midnimada bulshada reer Hiiraan ay muhiim u tahay badbaadada maamulka Hirshabeelle, isagoo xusay in loo baahan yahay in la dhiso maamul cusub oo ay bulshada deegaanku ku mideysan tahay.
‎
‎Wuxuu sidoo kale dhaliilay habkii loo maray dhismaha maamulka Hirshabeelle, isaga oo ku dooday in doorashadii lagu dhisay aysan ahayn mid loo dhan yahay, isla markaana aan lagala tashan bulshada reer Hiiraan. Wuxuu sheegay in dhinacyada uu metelo ay weli diidan yihiin habraacaas, ayna wadaan qorshe ay ku doonayaan isbeddel siyaasadeed.
‎
‎Sanbaloolshe ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda qaabka loo dhisay maamulka Hirshabeelle, waxaana safarkiisa Beledweyne uu imanayaa xilli ay magaalada ka taagan tahay xiisad siyaasadeed iyo mid amni.
‎
‎Maalmihii la soo dhaafay, ciidamo taageersan dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah maamulka Hirshabeelle ayaa la wareegay qaybo ka mid ah xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee ku taalla xerada Lama-galay. Tallaabadaasi waxay sii kordhisay xiisadda u dhexeysa dhinacyada isku haya maamulka gobolka.
‎
‎Imaanshaha Sanbaloolshe ayaa la filayaa inuu saameyn ku yeesho dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda Hiiraan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin qorshaha uu ka damacsan yahay kulamadiisa iyo safarkiisa Beledweyne.
‎


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Waa kuma ninka ka adkaaday Netanyahu ee loo xilsaaray dhismaha xukuumadda Israa’iil?

Waa kuma ninka ka adkaaday Netanyahu ee loo xilsaaray dhismaha xukuumadda Israa’iil?

16 hours ago
Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

Ciidamada Mareykanka oo iskaga baxay saldhiga Baledoogle kadib in ka badan 14 sano

16 hours ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar, kana qeyb galay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jowhar, kana qeyb galay

16 hours ago
Midowga Afrika iyo EU oo  ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab

Midowga Afrika iyo EU oo ka digaay arrin la xiriirta dagalka Al-shabab

16 hours ago
Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

Ku xigeenka Taliyaha Booliska oo ka digay khatarta bixitaanka ciidamada Uganda

2 days ago
QM oo shegtay in Boosaaso loo adeegsaday arrimo dagaal

QM oo shegtay in Boosaaso loo adeegsaday arrimo dagaal

2 days ago
Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

Ciidamo cusub oo ku biiraya Xoogga Dalka oo lagu soo bandhigay Galmudug

2 days ago
Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

Sanbaloolshe oo dhulka uga soo gudbay Feerfeer kuna tegay magaalada Beledweyne

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.