Wararka24: Somaliland ayaa sheegtay inay waddo dadaallo ay ku doonayso inay si buuxda ula wareegto maamulka hawadeeda, iyadoo sidoo kale dooneysa in meesha laga saaro dal-ku-galka elektaroonigga ah ee Soomaaliya ee dadka u safraya Hargeysa looga baahan yahay.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa arrintan ka hadlay xilli uu la kulmay qaar ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku nool Maraykanka. Waxa uu sheegay in xukuumaddu ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed iyo kuwo kale oo uu ku tilmaamay kuwo si taxaddar leh oo aan si furan loo shaacin loo maamulayo.
Khadar ayaa sheegay in Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuur, uu si gaar ah uga shaqeynayo arrimaha la xiriira duulimaadyada iyo khilaafka maamulka hawada. Waxa uu sheegay in wasiirku uu weli ku sugan yahay Maraykanka, halkaas oo uu ka sii wado dadaallada la xiriira arrintan.
“Si xikmad leh oo qarsoodi ah ayuu Wasiir Fu’aad u wadaa hawsha duulimaadyada iyo caqabadaha ka taagan hawada, dhawaana waxa aanu rajaynaynaa inuu guul ka gaadho,” ayuu yiri Khadar.
Khilaafka maamulka hawada iyo nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe ka mid ahaa arrimaha ay si joogto ah uga hadlaan madaxda Somaliland. Bishii November 2025, Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro wuxuu sheegay in Somaliland ay si gaar ah u maamusho hawadeeda, isagoo sidoo kale ku dhawaaqay in diyaaradaha dulmaraya ama ku hawlgala hawada Somaliland ay oggolaansho ka helaan wasaaradda duulista.
Somaliland waxay sidoo kale si rasmi ah u sheegtay inaysan aqoonsanayn nidaamka E-Visa/ETAS ee Soomaaliya, iyadoo wasaaradda duulistu ku adkaysatay in dadka dalka soo galaya ay heli karaan visa marka ay yimaadaan garoomada Hargeysa iyo Berbera. Soomaaliya ayaa dhankeeda E-Visa/ETAS bilowday 1-dii Sebtembar 2025, iyadoo sheegtay in ajaanibta u safraysa Soomaaliya ay oggolaanshaha dal-ku-galka ku dalbadaan internetka ka hor safarka.
Hase yeeshee, warbixinno ku saabsan safarrada Hargeysa ayaa muujinaya in shirkadaha diyaaradaha ay mararka qaar rakaabka ka dalbaan E-Visa-da Soomaaliya ka hor inta aysan u oggolaan inay raacaan diyaaradaha. Dowladda Britain ayaa sidoo kale sheegtay in dadka u safraya Hargeysa laga yaabo in laga dalbado E-Visa-da Soomaaliya marka ay diyaarad raacayaan, inkastoo aan looga aqoonsanayn inay tahay dal-ku-gal sax ah marka ay Hargeysa gaaraan.
Khadar ayaa hadalkiisa ku soo hadal qaaday xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, isagoo sheegay in qaar ka mid ah tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee xukuumaddu ay u dhacaan si aan hore loo sii shaacin.
Waxa uu tusaale u soo qaatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isagoo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Cirro ay ku dhisan tahay hab uu ku tilmaamay mid “qunyar socod ah oo sir leh.”







